|
Wafula Wamunyinyi: "Doorashadii ka dhacaday Soomaaliya waxay ahayd mid ku dhacday si cadaaladi ku jirto..."
Mogadishu Talaado 11 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wafula Wamunyinyi: "Doorashadii ka dhacaday Soomaaliya waxay ahayd mid ku dhacday si cadaaladi ku jirto..."
Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee xalay la doortay, Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafula wuxuu sheegay in doorashada ay ahayd mid xor ah oo si caddaalad ah ku dhacday.
AMISOM waxay ballan-qaadday inay la shaqeyn doonto madaxweynaha cusub, dowladdiisa iyo dadka Soomaalida.
Wafula wuxuu kaloo bogaadiyay dadaalka beesha caalamka, gaar ahaan ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga taageeradii uu ku lahaa soo af-jaridda xilliga KMG ah.
Wuxuu kaloo ammaan u jeediyay guddiga farsamada soo xulidda xildhibaannada iyo ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo xaqiijiyay ammaanka muddadii ay socotay doorashada iyo guud ahaan xilligii lagu howlanaa dhammeystirka marxaladda kala-guurka aheyd.
Wafula wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay dib u dhiska ciidanka xoogga dalka, isagoo sheegay in AMISOM ay dowladda cusub kala shaqeyn doonto dhaqangelinta qorshaha xasilinta amniga qaranka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|