Somali News
    Hees  

Amin Arts halyeey aan baqin runtana ka sheega xaalada taagan!!

Talaado 11 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Amin Arts halyeey aan baqin runtana ka sheega xaalada taagan!!

Amiin Caamir oo Soomaalida ay si wanaagsan ugu barteen sawirada kartoonka loo yaqaan ee laga dheehan karo siyaasada hadba taagan ee dalka Soomaliya ka jirta ayaa la dhihi karaa waa halyeey ka hadla runta iyo xaqiiqda jirta wuxuuna ku caan baxay wadiniyada.

Inkastoo dadka oo dhan aysan wada jecleysan hadana waxaan dhihi karnaa 99%, waxay u arkaan inuu yahay shaqsi ka hadla inta badan runta, wuxuuna aalaaaba jecel yahay inuu soo bandhigo afkaarta hadba niyada kaaga jirta inaad adigaba dhihi lahayd.

Mar hadii uu sawiro qurux badan soo saaro, waxaa dhici karta in dad badan ay ka caraysiiso sawirkaasi uu soo saaray, hadana dadka tirada badan ayaa waxay jecleystaan sawirkaasi dadka ka caraysiiyey.

In lasoo gudbiyo codka dadweynaha waa wax loo baahan yahay, in la caraadiyo madaxda dowlada waa wax lagu saxayo qaladaadka ay galayaan, laakin hadii aad u aragto in uu qalad sameeyey taasi waxay keeni kartaa neceyb aad si daran ugu qaado shaqsiyadiisa.

Amiin Caamir waxaad u arki kartaa inuu ruux gaar ah si u taageeray, dabcan dadka wararkaasi qaba hadii la weydiiyo cida uu taageerayo waxaa dhici karta xitaa inaan dhankooda laga mari karin, laakin xaqiiqda jirta ayaa waxay tahay in runta laga hadlo Amiina waxa uu soo bandhigaa sawiro xaqiiqda ka hadlaya.

Hadii boggiisa aad ku aragto xayaysiin uu usamaynayo cid gaar ah, waxay ila tahay in aragtidaada ay ku tustay, ogsoonow dadkale ayaa qaba in ay sax tahay, mana ila haboona in sumcadiisa aad ku waxyeelayso inaad gaf ka gasho shaqada culus uu u hayo bulshada.

Aniga waxaan qabaa in Amin Amir oo hawshaan kusoo dhex jiray in ka badan 30 meeyo sanno inaan la socon jiray sawiradiisa ka turjumaya xaqiiqda, waa dhici kartaa in si qalad ah wax u dhacaan laakin ha ilaawin in qofkastaa oo dunida jooga uu qalad ka dhici karo, waxaase haboon in laga soo noqdo.

Gunaanadkii waxaan dhihi lahaa Amiin Caamir waa halyeey mudan in lagu amaano shaqada adag ee uu uhayo bulshada, dadka inta badan caadeystay inaay xumaan ka sheegaana waxaan dhihi lahaa hadii aad aragto waxaad ku dhibsato waxaad ka helaysaa wax badan oo aad ku faraxdo.

Mohamed Abdulle Hassan “Siidi”
soomaalidamaanta@live.com

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)