Somali News
    Hees  

Dowlad goboleedka Banadir State oo taageertay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay

Mogadishu Talaado 11 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowlad goboleedka Banadir State oo taageertay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay

Madaxda iyo xubnaha ka tirsan dowlad goboleedka Banadir State ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ka soo saareen war-saxaafadeed, waxayna taageereen isla markaana soo dhoweeyeen Madaxweynaha cusub Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxaan hambalyo u direynaa shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlad goboleedka Banadir State oo sheegay dhinaca kale in doorashada Madaxweynaha cusub ay isbedel ku keeneyso xaaladda wadanka Soomaaliya.

Dhinaca kale dowlad goboleedka Banadir State warka ka soo baxay oo uu ku saxiixnaa afhayeenka maamulkaasi Md. Muxudiin Maxamed Xaaji waxa uu u rajeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in xilka culus ee loo doortay uu Alle la garab galo, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Madaxweynaha cusub ku garab galaan isla markaana ka shaqeeyaan in dalka uu ka dhaco isbedel jawi nabadeed oo keena cadaalad, horumar iyo barwaaqo.

Bayaanka ka soo baxay dowlad goboleedka Banadir State ka akhriso hoos:-

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)