Somali News
    Hees  

Banki Moon : "Madxweynaha cusub ee Soomaaliya waan u hambalyaynayaa waana inuu dadaaal badan galiyaa in Soomaali ka baxdo dhibaatada mudada dheer daashatay.."

Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Banki Moon : "Madxweynaha cusub ee Soomaaliya waan u hambalyaynayaa waana inuu dadaaal badan galiyaa in Soomaali ka baxdo dhibaatada mudada dheer daashatay.."

Xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moon oo ka hadlayay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ugu horeyn hambalyo u dirayo /weynaha cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Max’ud oo shalay guulaystay waxaana uu Ban ki Moon uu ku tilmaamay doorashada mid dhamaad u ah dhibaatadii uu wadanka ku jiray.

Ban ki Moon waxaa uu xusay in doorashada sida ay u dhacday ay muujinayso in Soomaaliya ay ka gudbayso marxalado adag oo waayho badan haystay sida uu yiri.

M/weynaha Soomaaliya ayuu xog’hayuhu ugu baaqay inuu soo ku dadaaloo soo dhisida dawlad tayo badan oo mas’uuliyadeeda taqaan.

"Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waan hambalyaynayaa waana inuu dadaaal badan galiyaa in Soomaali ka baxdo dhibaatada mudada dheer daashatay" ayuu yiri Ban ki Moon xog’hayaha guud ee Q,M.

Ban waxaa uu xusay in JMQ ka dhaxeysa ay sii wadayso dadaalada nabadeed ee Soomaaliya iyo t aageerada dawlada Soomaaliya.

Dhanka kale dawlada Ruush-ka ayaa tilaabo wanaagsan ku tilmaanta sida ay doorashadu u dhacday isla markaana tilmaantay in Soomaaliya waa cusub u baryay.

Wakiilka Madaxweynaha Rush-ka u qaabilsan arrimaha qaaradda Africa Mikhail Margelov ayaa caawa sheegay in Soomaaliya uu hadda waa cusub u baryay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)