|
Laba Nin oo isa soo miidaamisay oo isku qarxiyay Afaafka hore Hoteelka uu Muqdisho ka daggan yahay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Laba Nin oo isa soo miidaamisay oo isku qarxiyay Afaafka hore Hoteelka uu Muqdisho ka daggan yahay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Waxaa goordhow ka dhacay Hotelka uu degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Hotel Jaziira laba qarax oo aad u waa waynayd, kuwaasi oo sababay khasaare lixaad leh oo soo gaara Baabuur hortiil illinka hore ee hoteelkaasi.
Qaraxyada ayaa ahaa kuwo ismiidaamin ah, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay qaraxyadan, iyadoo ay cidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xireen halka ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana qarxyadaasi wax ku noqday Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM oo isagu dhaawac soo gaaray.
Hoteelkan Jaziira ayaa isagu ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in sidoo kale ay wax soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwea Dowladda KMG ah, hase yeeshee ma jiro wax cadeyn kara dhibaatada saxda ee ka dhalatay qaraxyadaasi.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ayaa isku gadaamay halka qaraxyadu ka dhaceen, waxaana markii horeba caadiyan dhibaato lagu qabay marida wadadaasi, iyadoo baabuur fara badan la soo dhigto hareeraha Hotelka uu degan yahay Madaxweynaha Cusub ee Hotel Jaziira.
Dhanka kale Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la doortay laba maalmood kaddib, isagoo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo weli ku sugan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana weli socda baabuur daabulaysa dhaawacyada ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay agagaarka hotelka uu degan yahay Madaxweynaha Cusub.
Hadaba wixii warar ah ee ku soo kordha qaraxyadaan waan idiin soo gudbin doonaa haddii ALLE IDMO.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|