Somali News
    Hees  

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo sheegay inay qabsadeen deegaano hor leh oo ku yaala Jubbooyinka

Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taliyaha Ciidamada AMISOM oo sheegay inay qabsadeen deegaano hor leh oo ku yaala Jubbooyinka

Taliyaha ciidamada midawga Africa ka jooga dalka Soomaaliya General Andrew Gutti oo la hadlayay warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamadooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Harboole oo shalay dagaalo ka dhaceen.

General Andrew Gutti waxaa uu tilmaamay ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubbooyinka waxaa uu sheegay inay khasaaro gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabab ee la dagaalamay.

Sarkaalkaan ugu sareeya ciidamada AMISOM waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in la wareegistay Harboole ay uga dhigan tahay guul weyn oo ay gaareen ciidamadooda Soomaaliya jooga waxaana uu tilmaamay inay muddo 10 cisho gudahood ah ku gaari doonaan magaalada Kismaayo.

"Ciidamadeenu hadda waxay wadaan sugida amaanka deegaanka Harboole oo kusoo biirtay meelaha gacanteeda soo galay hadda kadib waa Kismaayo" ayuu yiri General Andrew Gutti taliyaha ciidamada AMISOM,.

Dadka dagan Harboole ayuu ugu baaqay taliyuhu inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka isla markaana ay gacan siiyaan si amaankooda loo sugo.

Taliyuhu waxaa uu shaaciyay in hawlgalka AMISOM uu guulo ka gaaray dagaaladii ay Al-Shabab la galeen isla markaana ay ka go’antahay inay sii socdaan inta Shabab joogo.

Saraakiisha ciidamada dawlada ayaa horey u sii shaaciyay inay deegaankaasi la wareegeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)