|
Cali Dheere :" Ma jirto wax aynu soo dhaweynayno Madaxweynaha Cusub waa wax cadawgu wato.."
Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cali Dheere :" Ma jirto wax aynu soo dhaweynayno Madaxweynaha Cusub waa wax cadawgu wato.."
Afhayeenka Xarakadda Al-Shabab Sheekh Cali Max’ud Raage Cali Dheere oo la hadlay wakaaladda Wararka ee AFP ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday dalka Soomaaliya mid ay wateen gaalo is bahaysatay sida uu yiri kuwaasoo wata qorshayaal gooni ah oo ay Soomaaliya ka leeyihiin.
Sheekh Cali Dheere waxaa uu xusay inay qaadaceen sida doorashadu u dhacday waxaana uu tilmaamay in M/weynaha cusub uu yahay shaqsi ay wataan dad dano faraha badan Soomaaliya ka leh.
Dad cadaw ku ah diinta Rabbi ayuu Cali dheere sheegay inay wadeen oo lagu doortay M/weynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof Xasan Sh. Max’ud.
"Ma jirto wax aynu soo dhaweynayno waa wax cadawgu wato" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere afhayeenka Al-Shabab oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Wargeyska kasoo baxa dalka Shiinaha ooo la yiraahdo The China Post ayaa ku waramaya in afhayeenka Al-Shabab uu xusay in halkoodii ay ka sii socon doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada dawlada iyo taagerayaashooda AMISOM.
Al-Shabab loogama baran inay taageeraan ama ay soo dhaweeyaan M/weyne la doortay hase ahaatee Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si buuxda Xasan Shiikh u doortay inuu noqdo Mweynaha Soomaaliya mudada 4 sano ah ee soo socota.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|