|
Markab sida Qalab Milatery oo ay ka mid yihiin Gawaarida Gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Nigeria ayaa ku dejiyey Dekedda Muqdisho
Mogadishu Arbaco 12 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Markab sida Qalab Milatery oo ay ka mid yihiin Gawaarida Gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Nigeria ayaa ku dejiyey Dekedda Muqdisho
Markab sida qalab Milateri oo ay leeyihiin ciidamada Nayjeriya ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa ka shiraacday dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, kaddib markii muddo saddex maalin ah uu dejinayay qalabkaasi milateri oo isugu jira gawaarida gaashaaman, baabuurta ciidamada iyo qalab kale oo uu ku jiro hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in qalabka Muqdisho laga soo dejiyay uu hordhac u yahay cutubyo ka tirsan ciidamada Nayjeriya oo dhowaan Muqdisho soo gaaraya kuwaasi oo iyagu qeyb ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ka wado gudaha wadanka Soomaaliya.
Dhinaca kale wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Nayjeriya ee imaanaya dhowaan ay isugu jiraan Milateri iyo Boolis, kuwaasi oo ka howlgelaya goobaha muhiimka ah ee Dowladdu ku shaqeyso iyo gobolada dalka oo ay ka socoto halgan loogu jiro sidii kooxaha argagixisada ah looga saari lahaa guud ahaan dalka oo dhan.
Midowga Afrika oo dalka Soomaaliya ugu xilsaaran xasilinta ammaanka iyo kala dambeynta dalka, waxa uu ku guuleystay in qeybo ka mid ah dalka ay ka saaraan kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida, waxayna dagaallo fool ka fool ah kula galeen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada wadanka.
Imaatinka ciidamada Nayjeriya ee wadanka Soomaaliya ayaa yimid kaddib markii Dowladdii KMG ahayd ee xilligeedu dhammaaday codsi hor dhigtay dhowr goor shirarka sanadlaha ah ee madaxda dowladaha Midowga Afrika ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya.
Dowladda Nayjeriya ayaa horay u ballanqaaday inay ciidamada AMISOM ku biirineyso ciidamadeeda si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah nabadgelyada wadanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in dowlado badan oo Afrikaan isla markaana ballanqaaday inay ciidamo keenayaan Soomaaliya ay fuliyaan ballanqaadyadooda.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|