Somali News
    Hees  

Madaxweyne Jacob Zuma : "Waxaan garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, waana la shaqeynayaa Dowladda cusub ee Soomaaliya..."

Mogadishu Khamiis 13 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Jacob Zuma : "Waxaan garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, waana la shaqeynayaa Dowladda cusub ee Soomaaliya..."

Madaxweynaha koonfur Africa Jacob Zuma ayaa fariin hambalyo ah u soo diray madaxweynaha Somalia Prof Xasan Shiikh Max’ud , waxana ay ku muujiyeen fariintooda sida ay ay ugu faraxsanyihiin in dalka Somalia uu yeesho madaxweyne madax ka ah dowlad aan KMG aheyn.

War saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa doorashadii xasan shiikh max’ud waxa uu ku tilmaamay mid taariikhi ah isagoo QM iyo midowga africa uga mahad celiyay doorka ay ka ciyaareen qorshihii Roadmapka oo KMGnimadii somalia lagu soo afmeeray.

Madaxweyne Jacob Zuma waxa uu sheegay in dowladda koonfur africa ay garabtaagantahay shacabka soomaaliyeed oo ay la shaqeeneyso dowladdooda cusub, wuxuuna sheegay inuu rajaynayaa madaxweynaha Somalia inuu alle ku guuleeyo badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)