Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Faransiiska: " Dowladeena waxay la garab istaagi doontaa taageero dhan kastaah dowlada Cusub ee Soomaalya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shikh Maxamuud.."

Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Madaxweynaha Faransiiska: " Dowladeena waxay la garab istaagi doontaa taageero dhan kastaah dowlada Cusub ee Soomaalya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shikh Maxamuud.."

Dawlada Faransiiska ayaa sheegtay inay ka xuntahay qorshihii lagu damacsanaa in lagu dilo M/wenaha Soomaliya Xasan Shikh Maxamuud.

War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweenaha Faransiiska ayaa lagu sheegay inay dawladiisu ka xuntahay qaraxyadii shalay ka dhacay Hotel Jasiira xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo la qaadanayay madax ka socotay dawlada Kenya.

Madaxweynaha Faransiiska Frances Holland ayaa war saxaafadeedkiisa tacsi ugu diray ciidamada Midowga Africa AMISOM iyo kuwa Meliteryga Soomaaliya oo ku geeriyooday qaraxyadii shalay ka dhacay Hotell Jasiira oo kuyaala degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

Ugu danbeentii warka kasoo baxay M/wenaha France ayaa lagu sheegay in dowladiisu la garab istaagi doonto taageero dhan kastaah dowlada Cusub ee Soomaalya M/weynahana uu ka yahay Prof Xasan Shikh Maxamuud.

Q,M iyo qaar ka mid ah wadamada taageera Soomaaliya ayaa sidaas oo kale cambaareeyay qaraxyadii shalay oo Shabab sheegtay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)