Somali News
    Hees  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Niyad dhis u sameeyay Shaqaalaha Madaxtooyada VIlla Soomaaliya iyo Hadiyado Qaali ah iyo qalab kale...

Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Xasan Sheekh oo Niyad dhis u sameeyay Shaqaalaha Madaxtooyada VIlla Soomaaliya iyo Hadiyado Qaali ah iyo qalab kale oo ka gudoomay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed. (Daawo Sawirada)

Kadib markii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud uu ka badbaaday weerar isku day dil ah oo qarax ismiidaamin ah loo adeegsaday ayaa maanta waxaa lagu wareejiyey qayb kamid ah Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Proff. Xassan Sheekh waxaa lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada waxaa soo dhoweyntiisa ka qayb galay masuuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Taliyeyasha Ciidamada qalabka sida, shaqaalaha Madaxtooyada iyo madaxwynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa socod dheer kusoo maray waaxyaha kala duwan ee ay kooban tahay xarunta Madaxtooyada .

Markii uu socodka soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha cusub waxaa loo dhigay xaflad ballaaran oo loogu wareejiyey qayb kamid ah Madaxtooyada oo uu ku shaqayn doono.

Hadiyadaha uu maanta ku wareejiyey Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda ee la doortay ayaa waxaa ka mid ahaa:- Seef Dahab ah, saacad dahab ah,dhismaha cusub ee Midowga Afrika iyo dhismihii hore ee Midowga Afrika oo dahab ah, dhismaha kacbada oo dahab ah iyo hadiyaddo kale kuwaasi oo madaxweynihii hore ay Madaxda caalamka horey usoo gudoonsiiyeen.

Markii uu kormeerkii uu kormeerayey Madaxtooyada Qaranka uusoo gebagebeeyey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kulan la qaatay dhammaanba shaqaalaha Madaxtooyada oo markii uu kormeerka ku guda jiray mid mid usoo gacan qaaday.

Xafladda ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Madaxweynhehii hore ee Dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu faah faahin ka bixiyey qaabka Madaxtooyada iyo shaqaalaha kala duwan ee Madaxtooyada ay u shaqeeyaan, Shariif waxa uu u mahad celiyey qaabka wanaagsan ee ay shaqaalaha Madaxtooyada u guteen waajibaadkooda Shaqo .

Kadib markii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhankiisa waxa uu u mahad celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo dhamaan shaqaalaha Madaxtooyada ee sida hufan u soo gutay waajibaadkooda shaqo.

Waa kormeerkii ugu horeeyey oo Kadib markii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud uu ku sameeyo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa maanta lagu wareejiyey xafiisyadii shaqada ee Guddoomiyahii ka horeeyey iyo qaybtii uu ka degnaa Madaxtooyada.

Guddoomiyahii Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa dhamaan wareejiyey xafiisyadii shaqada waxaana si rasmi ah loogu wareejiyey Guddoomiyaha cusub Proff. Jawaari.






















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)