Somali News
    Hees  

Eng. Cabdulqaadir Shiikh Mukhtaar‏ “Aniga oo ku hadlaya Magaca Jaaliyadda Australia oo Bagaadin iyo Baaq u direy Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Eng. Cabdulqaadir Shiikh Mukhtaar‏ “Aniga oo ku hadlaya Magaca Jaaliyadda Australia oo Bagaadin iyo Baaq u direy Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Iydoo weli ay socdaan Hambalyada , Bogaadinta iyo Talooyinka loo dirayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo la doortey 10-kii Bishaan ayaa mid la mid Hambalyadaas waxay naga soo gaartey Jaaliyadda Soomaalida Wadanka Australia waxayna Madaxweynaha Cusub ugu Hambalyeeyeen Doorashadaas , iyagoo Ilaah uga Baryey in uu la garab galo Xilkaas Culus ee ay dadka Soomaaliyeed ku Aamineen.

Eng Cabduqaadir Shiikh Mukhtaar oo ku hadlayey Magaca Jaaliyada Soomaalida Wadanka Australia ayaa sheegey in Soomaaliya uu u baryey Waa Cusub ka dib markii Madaxweyne Cusub loo doortey Xasan Shiikh Maxamuud , isagoo sheegey in Madaxweynaha Cusub uu yahay shaqsi aan meelna uga bixin wixii dhibaato ahaa ee ka dhacay Wadanka Soomaaliya , sidoo kale waxaa uu ahaa Aabihii dhidibada u Aasey Waxbarshada Somaaliya markii dadka Soomaaliyeed ay ku jireen Dagaaladii Sokeeye.

“Waxaa Madaxweyne kuu soo jeedineynaa in aad soo Magacwdo Raiisul Wasaare wax ka qaban kara dhibaatada Soomaaliya , waa in aad Badisaa la tashiyada ku aadan Magacaabida Ra’iisul Wasaaraha Cusub waayo Dowladii hore waxaa ragaadiyey ama dib u dhigey khilaaf aad u ba’an waayo waxaa Dowladaas la badeley ilaa Seddex Rasiisul Wasaare iyo Hal Gudoomiye Baarlamaanka marka waa in Dowladaada taas ka gudubtaa oo aad wada shaqeysaan Min Madaxweyne, Ra’iisul Wsaare iyo Gudoomiye Barlamaan” ayuu yiri Eng Cabduqaadir Shiikh Mukhtaar.

Eng Cabduqaadir waxaa uu sheegey in Jaaliyada reer Australia ay wixii karaankeeda la garab taagnaan doonto Dowladda Cusub ee ka dhalatey Soomaaliya ee uu Hormuudka uu ka yahay Madaxweyne Dr Xasan Shiikh Maxamuud sidoo kale waxaa uu sheegey in wax qabadka Dowladda Federaalka la ogaan doono Boqolka maalmood ee ugu horeeyey waxayna Jaaliyadda u rajeeyeen Madaxda Cusub ee Soomaaliaya in ay si Daacad ah u gutaan Xilkaas Culus .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)