|
Kooxda East Africa Energy forum (EAEF) oo war saxaafadeed ka soo saartay in la hubiyo ruqsadaha, qandaraasyada iyo baarista shidaalka Soomaaliya ka jirta
Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxda East Africa Energy forum (EAEF) oo war saxaafadeed ka soo saartay in la hubiyo ruqsadaha, qandaraasyada iyo baarista shidaalka Soomaaliya ka jirta.
War laga soo xigtay kooxda East Africa energy forum ayaa sheegaya iney ku howlan yihiin sidii ey dib u eegid guud ugu sameyn lahaayeen ruqsadaha baarista shidaalka ee Somaliya ka jira waqtigan.
Kooxdaan isu xilsaartay xafidaadadda iyo difaaca kheyraadka dabiiciga ee umadda soomaaliyeed aadna looga yaqaan adduunka ayaa kula talisay dowladda cusub ee Soomaaliya in ey sida ugu dhaqsoha badan dib u eegid igu sameyso heshiisyada shidaalka ee lala galay shirkadaha ajaaniibta ah wixii ka danbeeyay 1990kii.
EAEF wexey intaas ku dartay in uu jiro qorshe lagu dhameystirayo sharciga baarisa shidaalka soomaaliya kaas oo lagu tixgelin doono shirkadahii Soomaaliya heshiiska lala galay xilligii dowladdii siyaad barre wixii ka horeeyay 1990kii.
Madaxa kooxdaan soomalida ah Cabdullahi Mahamuod ayaa yiri “ heshiisyadii lala galay shirkadihii ey qabtu ku dhacday 1990kii dantuna ku qasabtay in ey waddanka isaga baxaan amaan la’aan, tixgelin buuxda eyey dowladda Somalia siin doontaa. Hadaba iyaga ayey ku xiran tahay haddii ey howshoodii baarista shidaalka ka sii wadanayaan degaankii loo ogolaadey iyo haddii kaleba, iyadoo weliba dib u eegid iyo shuruuddo cusub lagu sameyn doono qandaraasyadoodii hore”.
Cabdulaahi wuxuu intaas ku daray in hishiis kasta ee shidaal baaris ee horey loo saxiixay in lagu sameyn doono dib u eegid si loo waafajiyo dastuurka cusub ee shidaalka soomaaliya iyo weliba in la hubiyo in dani ugu jirto ummadda soomaaliyed.
Wuxuu kaloo yiri “dani uguma jirto ummadda soomaaliyeed in waddanka laga sii wado shidaal baaris iyadoo aan baarlamaanka iyo dowladda dhexe laga ansixin dastuur caalami ah. Waxaa muhiimaddeenu tahay in la helo dastuur xafida degaanka/biada, qaranimada iyo kheyraadka dabiiciga ah ee waddanka Somaaliya”.
Mar wax laga weydiiya in howshoodu ey shaki gelineyso shidaal qodista hadda ka socota dowlad gobaleedka Puntland , wuxuu ku jawaabay in eey haboon tahay in heshiisyadaan baarlamaanka qaranka Somaaliya uu dib u eegis ku sameeyo go’aanna uu ka gaaro.
Madaxa hayaddu wuxuu intaas ku daray in ” shirkadahaan ey u bareereen khatar badan oo ka jirta waddan deganaansho xumo iyo khatar siyaasadeed ka jirto, haddiibase qandaraasyadaan loo arko mid aan dani ugu jirin Somaliaya guud ahaan iyo dadka ku nool degaanka puntland gaar ahaanba waa in ey dib u raadsadsaan heshiis cusb oo dhaxal gal ah. Wuxuu yiri waa in ey soo gabagabowdaa xilligii laga faaiideysan jiray dowlad la’aanta Soomaaliya”.
Sharci yaqaanka kooxdaan una qaabilsan dhanka sharciyada caalamiga ee batroolka Mr K.R. Abdirahman ayaa tibaaxay in block-yada hadda shidaalka laga baarayo ee ku yaal dowlad gobaleedka Puntland ey hoos imaan karaan aag lagu fuliyay sharciga “force majeure-ka” ka hor 1991kii .
Sharci yaqaanku wuxuu intaa ku daray “run ahaantii haddii block-yadaani ey soo galaan ruqsadihii horey loo siiyay shirkado kale kuwaas oo isticmaalay sharicga caalamiga ah ee loo yaqaan “Force majeure” waxaan muhiimadda hore siin doonaa kuwii horey ruqsadda u lahaa waxaana dib u siin doonaa qandaraasyadoodii hore”. Qaranka soomaaliya ayaa leh kheyraadka dabiiciga ah iyo maamulkiisaba ayuu yiri Mr Abdirahman.
Cabdullahi Mohamoud ayaa hadalka ku soo gabagabeeyay “somaaliya u ogolanmeyno in ey ku hungoowdo kheyraadka dabiiciga ah maamul xumo aawadeed. Ka dib markaan hubino xaduudaha waddanka bad iyo berriba waxaan intii awoodena ah difaaci doonaa oo ilaalin doonaa, horumarinna ku sameyn doonaa kheyraadka dabiiciga ah ee Somaaliya. Waxaan kuu xaqiijinayaa soomaaliya in eysan noqon doonin sidii horey looga caadeystay. Waxaan kaloo hubnaa haddii howshaan aan isu xilsaarnay aan u fulino si daacadnimo, hufnaan iyo wadaninimo ku jirto in shacabka soomaaliyeed ey ugu danbeyn guusha heli doonaanaan kana faaiideysan doonaan kheyraadkan ilaah ku maneystay.
Hayadda East African Energy Forum waa haya’ad caalami ah oo isu xilsaartay in ay difaacdo kheyraadka shidaalka soomaaliya. halkan ka daalaco maqaalada oo English iyo af sooomali ah
Cabdulaahi Maxamuod: abdillahi@eaenergyforum.org
Tarjume Maxamud Xassan: mahmud@eaenergyforum.org
mahassan_50@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|