Somali News
    Hees  

Naafada Gobalka Hiiraan oo ku dhawaaqay Urur ay ku mideysanyihiin

Mogadishu Jimco 14 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Naafada Gobalka Hiiraan oo ku dhawaaqay Urur ay ku mideysanyihiin

Kulan ay ku yeeshaan magaalada baladweyne tiro ka mid ah dadka naafada ee ku nool Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay kaga dhawaaqeen urur mideeya dadka Naafada isla markaana wakiil uga noqday wixii tabaruc ah ee loogu talagay dadkaas.

Kulanka oo Galabta oo Khamiis ah ka dhacay hoolka Shirarka Machadka Waxbarashada ee SIGMA ayaa goob joog waxaa ka ahaa wakiilo ka kala socda Maamulayaasha Iskuulaadka Waxbarashada Nidaamiga ah ee Magaalada Baladweyne.

Ururkan oo logu magacadaray Action disapility and development Organization ( ADDO ) waxaa isla markiiba ka hadlay oo yabooh ka jeediyay Ustaad Xasan Cabdi Soomane oo ku hadlaayay Magaca
Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee Magaalada Baladweyne waxaana uu goobta ka balan qaaday in caruurta gaartay xiliga waxbarashada oo ay dhaleen dadka naafada ah ee Magaalada Baladweyne in ay siinayaan waxbarasho dugsiga hoose iyo Sare oo lacag la'aan ah si ay u soo buuxiyaan Qeybta Waalidkood ka maqan ee dhinacyada maskada ama lixaadka.

‘ anigoo ku hadlaaya Afka Maamulayasha Iskuulaadka Baladweyne waxaan balanqaadeenaa
in dhinaca waxbarashada aan ka taageern Ubadka ay dhaleen dadka Naafada Maadaama hadii waxbarasho la siiyo Caaruurta dadka Naafada waxaa hubaal ah in qeybta ka maqan waalidka ay u dhameystirmeyso hadii aan sidaas la yeelin waxaa dhici karta in Caruurtaas ay noqdaan kuwa dhinac kale u shaqeeya maadaama waalidkood aanu awoodin in uu dhinacyada Nolosha iyo waxbarashada ka taageero waxaan diyaar u nahay ugu horeyn in aan kaalintaas oo muhiim ah aan ka qaado taageerada loo fidinaayo walaalaheen Naafada ah”.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Hormuudka Jaamacada Baladweyne C/qani Xasan Weyrax waxaa uu ku baaqay in la taageero dadka Naafada maalinta Khiyaamaha wax badan ayaa layska weydiinayaa naxarista uu qof walba u sameeyo
xiliga uu addunka joogo waalkiisa u baahan in la caawiyo.

Cali Kheyr Cumar Guure oo isna Codka Qurbajoogta Gobalka Ku hadlayay ayaa hoosta ka xariiqay in diinta Islaamku ay tahay Naxariis waxna layska weydiin doono hadii aan masaakiinta caawinay iyo hadii kale.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Ururka Naafada Gobalka Hiiraan Max,med Axmed Sheekeeya ayaa isna goobta ka sheegay in Naafada Gobalka gaar ahaan Baladweyne tiradooda ay aad u badantahay ayna isugu jiraan Waayeen,Dhalinyaro iyo Caruur mana jirto ayuu yiri cid iska weydiisa Nolosha ay dadkaas ku noolyihiin marka ay noqoto Kaalamada la keeno Gobalka ay gacanta mariyaan dadka lixaadkoodu dhanyahay naafadana layska dul maro qofka muslimka manta wuxuu baxsado ayaa maalinta Khiyaamaha ee Bari ka horeysa ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)