|
Diyaar garow ku aadan Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Cusub oo Muqdisho ka socota iyo Wafuud caalami ah oo ku soo qul qulaysa dalka
Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Diyaar garow ku aadan Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Cusub oo Muqdisho ka socota iyo Wafuud caalami ah oo ku soo qul qulaysa dalka.
Tan iyo markii uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud waxaa soconaysay diyaargarow ku aadan Caleema saarkiisa, iyadoo Magaalada Muqdisho ay ku soo qul qulayaan madax ka soocota caalamka, islamarkaasna kuwo kale la filayo inay dalka soo gaaran maalinta berito oo ah mudada loo qabtay Caleema saarka Madaxweynaha cusub.
Doorashada ka dhacday Muqdisho ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ahayd mid taarikhi ah oo aan weli Soomaaliya ka dhicin, iyadoo dalka Soomaaliya iyo dibadiisa si weyn looga soo dhaweeyay doorashada ka dhacday iyo isbadalka ka dhacay Soomaaliya.
Waxaa soconaaya qaban qaabada Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in maalinimada berri oo Axad ah uu Madaxweyne Xasan Sheekh si rasmi ah ula wareegi doono Xafiiska Madaxtooyada.
Wafuud Caalami ah oo ka kala socda dalalka deriska, sida wakiilada IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta, dalalka Ingiriiska, Mareykanka, iyo dalal kale ee daneeya Soomaaliya ayaa iyana la filayaa inay saacadaha soo socda soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan caleema saarka Madaxweynaha cusb.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|