|
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo Muqdisho xaflad lagu soo dhoweynayey doorashada madaxweynaha cusub
Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo Muqdisho xaflad lagu soo dhoweynayey doorashada madaxweynaha cusub.
Xaflad oo ballaaran oo loogu hambalyeynayey madaxweynaha cusub ee dowlada Somalia iyo guddiyadii soo qaban qaabiyey doorashooyinkii ka dhacay dalka ayaa maanta lagu qabtay hotelka Naasa hablood-II ee magaalada Muqdisho.
Xafladadaas waxaa soo qaban qaabiyey xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah musharaxiintii afarta ahaa ee u soo gudbay wareegii labaad ee doorashadii madaxweynaha inkastoo uu markii dambe ka tanaasulay.
Waxaa ka soo qeyb galay kana hadlay xafladaas, waxgarad, Salaadiin, haween, aqoonyahano, siyaasiiyiin, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaas oo aheyd mid qado ah.
Waxaa munaasabadaas ka hadlay nabadoono iyo salaadiin ka tirsan beelaha Soomaaliyed oo dhamaantood halkaas hambalyo iyo bogaadin uga diray madaxweynaha cusub ee dowlada Somalia Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, oo ay sheegeen inuu yahay aqoonyahan Soomaaliyed oo u qalma inuu xilkaas qabto.
Sidoo kale waxaa munaasabadaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cadde Xasan Cali (Gaabow), wasiiradii haweenka iyo arimaha qoyska ee xukuumadii hore Maryan Aweys iyo xildhibaan Maxamed Aadan Shaacir kuwaasoo dhamaantood ku dheeraaday sida shacabka Soomaaliyeed ay mar kale u hantiyeen dowladnimo taam ah iyo baahida loo qabo in la sii xoojiyo dowlada Somalia.
Sidoo kale waxaa goobtaas ka hadlay xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo u mahad celiyey guud ahaan martidii ka soo qayb gashay munaasabadaas, wuxuuna xusay inuu sidoo kale u mahad celinayo baarlamanka Somaliayed oo doortay buu yiri madaxweyne Soomaaliyed oo dalka hogaaminaya afarta sanadood ee soo socota.
“Waxaan u hambalyeynayaa anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadaan madaxweynaha Somalia Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guuleystay doorasho taariikhi ah oo ah tii ugu horeysay ee gudaha dalka ka dhacda muddo 43 sano ka badan, ILAAHAY ha la garab galo, waxaana diyaar u ahay inaan gacan ku siiyo waajibaadkiisa, waxaan sidoo kale mahad ballaaran u jeedinayaa madaxweynaha xilka ka degaya Shariif Shiikh Axmed oo si geesinimo leh u aqbalay natiijadii doorashada awoodiina u wareejiyey” ayuu intaa ku daray xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.
Dhinaca kale, xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa ugu baaqay madaxda cusub ee dowlada Somalia iney ka shaqeeyaa nabadeynta iyo horumarka dalka, ayna si cadaalad iyo daacadnimo leh ugu adeegaan ummada Soomaaliyed, maadaama ay ka heystaan kalsooni far badan.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|