Somali News
    Hees  

Maleysiyada Somalida "Waa in si deg deg loo weeraraa reer galbedka filimkii ay sameeyeen dartiis”

Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Sheekh Cali dheere : “Aflagaada Diinta iyo Nabi Maxamed Nabadgaliyo iyo Naxariis dushhisa ha noqotee ma ahan wax hadda bilow ah oo Warbaahinta reer galbedka ayaa si aad ugu can baxay arinkaas”

Wareysi uu qadka Telephonka ku siiyay Wakaalada Wararka dalka France ee AFP Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage ayuu shacabka Soomaaliyeed kaga codsaday inay si aad ah uga dhiidhiyaan Filimkii lagu jilay gudaha Mareykanka oo aflagaadada xun loogu geystay Nabigeen Maxamed Nabad iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee iyo Diinteena Islaamka

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in talaabada ugu haboon ee mudan in looga jawaabo Aflagaada Islaamka iyo nabigeenaba lagula kacay ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku diyaariyaan dagaal ay la galaan Mareykanka iyo xulafadiisa si ay u mujiyaan Jeceelka ay u qabaan Diinta

“Aflagaada Diinta iyo Nabi Maxamed Nabadgaliyo iyo Naxariis dushhisa ha noqotee ma ahan wax hadda bilow ah oo Warbaahinta reer galbedka ayaa si aad ugu can baxay arinkaas” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamud raage oo qadka Telephonka ugu waramay Wakaalada Wararka ee AFB ee France

Hadalka Al-Shabaab ee ka dhnka ah Filimkii lagu sameeyay mareykanka oo lagu aflagaadeeyay Nabi Mohamed iyo diinteena Islaamka ayaa ku biiraya cambaareyn ku saabsan arintaasi oo horay ugasoo yeertay dhamaan Muslimiinta Caalamka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)