|
Dr. Xassan Sheekh Maxamuud "Khilaafkii Soo Kala Dhaxgalijiray Mas’uuliyiinta Dalka waa dhamaaday..."
Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dhawaan Cod aqlabiyad leh ku doorteen Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya ayaa Maanta ka dhawaajiyay in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayna bilaabatay wadashaqeyn iyo iskaashibuuxo ka dib shir jariad oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka.
Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalka ugu horeyn qaatay ayaa waraabhinta u sheegay in dowladan cusub ay tahay mid uu ka dhaxeeyo wadashaeyn ayna tahay mid ku adeegeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka Baarlamanka ayaa intaa ku daray in aan loo dulqaadan doonin waxyaabaha sharcidarada ah maadaama hay’adda sharcidajinta ah ay yihiin baarlamanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay in haatan ay bilaabatay wadashaqeynti mas’uuliyiinta dowladda qof walibana lagu ixtiraamayo shaqadaasi si looga fogaado khilaaf dalkana uu u helo dowladda dhameystiran.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in ahmiyada koobaad ay siinayaan amaanka dalka si dadka ay u heleen nabadda iyo kala dambeyn lana dhisayo hay’adihii garsoorka si shacabka loogu dhaqo cadaalad.
Waxaa uu Madaxweynaha u sheegay Ciidamada Amniga ku Mashquulsan iyagoo aan haysan waxyaabahii ay u baahnaayeen in hadii ay soo qabtaan qof ay ku tumayaan in amniga uu carqalad ku yahay in aan la soo daba kici karin.
" Qofka la tuhmo oo ay ciidamado soo qabtaan Wasiir Xildhibaan Agaasime Xitaa Madaxweyne ma damiinan karo waxaa uu sugayaa oo kaliya inta maxkamad ay ka xukumeyso dambi hadii uu leeyahay iyo hadii uu yahay qof aan dambi laheen qofkii rabo in uu badbaadiyo qofka walaalkiis waxaan farayaa in uu Qareen Qabsado intuu uu waqti iyo dhaqaale faro badan uu ku bixin lahaa Laaluush inta aan xafiiska joogo qofna uusan rajo ka qabin in dambi uu galay cafis loga fidiyo hadii la xukuom hal bil ama boqol sano waa uu dhameesanayaa waqtiga ay maxkamadu xukuntay"
Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in ciidamada ay yihiin kuwo had iyo jeer u taagan sugida amnigooda ayna naftooda u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka sidaa dareedeedna shacabka ay gacan ka geystaan in ay farmuuqaan shaqsiyaadka wado carqalad.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|