Somali News
    Hees  

AMISOM oo sheegtay inay la wareegeen deegaano ku dhowb Magalada Kismaayo, qarkana u saaran yihiin inay degmadaasi la wareegaan

Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM oo sheegtay inay la wareegeen deegaano ku dhowb Magalada Kismaayo, qarkana u saaran yihiin inay degmadaasi la wareegaan.

Cyrus Oguna oo kamid ah afayeenada ciidamada dowadda kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ayaa sheegay inay qarka u saaran yihiin qabsashada magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose isagoo sheegay in hadda gacantooda ay ku jirto deegaano ku teedsan Kismaayo oo ay kamid
tahay magaalada Biibi oo ay shalay la wareegeen.

Cyrus Oguna waxa uu sheegay inaysan jirin caqabad ka hortaagan qabsashada Kismaayo isagoo sidoo kale sheegay in dagaalkii Al shabab ay kula galeen magaalada Biibi ay ku dileen in ka badan saddex ka tirsan dagaalyahanada al shabab, dhankooduna waxa uu sheegay in saddex askari oo soomaali ah ay ka dhaawacantay.

AMISOM iyo ciidamada dowladda Somalia oo gacan isa siinaya ayaa la wareegay magaalada muhiimka ah ee Biibi oo u dhow Ksmaayo , waxana ay dileen dagaalyahanno al shabab ka tirsan oo saddex ka badan , waxana ay ciidamadu ay qorsheenayaan sidii Kismaayo gacantooda ay u soo gelin
lahaayeen"ayuu yiri Cyrus Oguna oo kamid ah afayeenada ciidamada kenya isagoo hadalkiisa intaa ku daray in al shababka kismaayo ku sugan ay go’doon ku jiraan sida uu hadalka u dhigay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)