|
Ciidamada Booliska Kenya oo qabtay Hub kala duwan iyo Suumanka la isku qarxiyo ee dhaxda lagu xirto
Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Booliska Kenya oo qabtay Hub kala duwan iyo Suumanka la isku qarxiyo ee dhaxda lagu xirto.
Howlgal ay sameeyeen Booliska dalka Kenya ayay magaalada Nairobi ka soo qab qabteen Hub, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo iyo labo nin oo Soomaali ah, oo lagu soo eedeeyay inay qaraxaas u isticmaali rabeen weeraro argagixiso oo ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya.
Eric Kimathi afhayeenka Ciidamada Booliska Kenya ayaa u soo bandhigay Wariyaasha Qalab ka kooban walxo qarxa, oo ay ku jireen fiyuusyo iyo koolo, lagu soo xiray Jaakadaha la isku qarxiyo, afar qori AK47, iyo rasaasta.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ay ka soo heleen guri ku yaal, ayna ku soo qabteen Hub fara badan oo isugu jira Qoryaha AK47, rasaas iyo suumanka loo adeegsaday in la isku qarxiyo.
Suuman loo adeegsado in la isku qarxiyo ayay Booliska Kenya sheegeen inay gacanta ku dhigeen ilaa 6 suun ama jaakadaha la isku qarxiyo, 4 qoryaha AK47, rasaas iyo dhowr bambooyin ah oo ay ururka al-Shabaab ku isticmaali lahaayeen sida ay boolisku sheegeen weerar argagixiso ah oo aad u weyn.
Dhinaca kale howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Booliska Kenya ka warheleen in guri lagu hayay walxaha qarxa iyo hubkoodii uu ku yaalo xaafadda Islii, iyadoo Booliska rumeysan yahay in weerarkaasi lagu maaganaa Kaniisadaha dalkaas todobaadkan gudihiisana la qorsheynaayay in la qarxiyo.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|