Somali News
    Hees  

Qunsulka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Mogadishu Sabti 15 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qunsulka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa dhowaan soo gaaray Qunsulka guud ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Mr. Cabdullaahi Maxamed Faarax, iyadoo soo dhoweyntiisa ay ka qeyb qaateen madax ka tirsan Dowladdii hore, Diblomaasiyiinta caalamka qaarkood, ururrada bulshada iyo shaqsiyaad caan ah.

Qulka Midowga Yurub u qaabilsan wadanka Soomaaliya oo Warbaahinta u faahfaahiyay ujeedada socdaalkiisa Muqdisho ayaa sheegay inay ugu horeyso sidii uu uga qeyb qaadan lahaa qabanqaabada iyo diyaar garowga xafladda xil-wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka Madaxweynenimo kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Waxaa kale oo Ambassador C/llaahi Maxamed Faarax uu ka hadlay isbedelka ka dhacay wadanka, isagoo tilmaamay in muddo 42-sano ah kaddib ay Soomaaliya ku tallaabsatay doorasho xor ah oo Baarlamaanka soo dooranayo Madaxweyne isla markaana ka dhacday dalka gudihiisa.

"Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyo ayaan leeyahay, waa aqoonyahan da' yar oo nasiib u yeeshay in gudaha dalkiisa lagu doorto" ayuu yiri Ambassador C/llaahi Maxamed Faarax oo dhinaca kale hambalyo taa la mid ah u diray Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ahayd, isagoona ku tilmaamay in guusha ay maanta Soomaaliya gaartay uu door firfircoon ka qaatay.

Dhinaca kale Qunsulka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. C/llaahi Maxamed Faarax ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu ka filayo inuu soo magacaabo Ra'iisal Wasaare aqoonyahan ah oo khibrad u leh ka samatabixinta dadka iyo dalka 21-sano ka badan ku soo jiray fowdada iyo kala dambeynta la'aanta.

"Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan isla markaana garab istaagaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo Madaxweyne Xasan Sheekh" ayuu yiri Qunsulka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Amb. C/llaahi Maxamed Faarax oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray ayaa rajo ka muujiyay inay soo hagaageyso xaaladda wadanka Soomaaliya, taasi daliil muuqda ay u tahay isbedelka ka dhacay toddobaadkii la soo dhaafay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay inay meel iska dhigaan wixii horay u dhacay ayna u soo jeestaan sidii ay ugu midoobi lahaayeen wax kasta oo dhibaato dalkooda iyo horumarkiisa.

Qunsulka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhammaanba qeybihii soo agaasimay doorashada xorta iyo xalaasha ah ee ka dhacday gudaha dalka gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, odayaasha dhaqanka, wadamada caalamka, Midowga Afriga, Ciidamada AMISOM oo taariikhda Soomaaliya aanay iloobi doonin abaalka ay u geysteen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)