|
Madaxweynaha Dowladda Suudaan iyo wufuud caalami ah oo Muqdisho ku soo qulqulaya
Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha kuxigeenka Sudan iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho ku soo qulqulaya
Waxaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho soo gaaraya madax ka tirsan dowladaha caalamka, gaar ahaan Madaxweynayaal ka tirsan Dowladaha Afrika, ergo ka socota wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, madaxda dalalka ood wadaagta la ah Soomaaliya, waxaana la xayiray gebi ahaanba diyaaradihii caadiga ah ka soo degi jiray Muqdisho.
Madaxda dalalka caalamka ee ilaa iyo iminka soo gaaray waxaa ka mid ah: Madaxweynaha kuxigeenka Sudan iyo wafdi uu hogaaminayo, Ra'iisal Wasaaraha Turkiga, Guddoomiyaha Midowga Yurub, ergo ka socota Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo qaar kale oo fara badan.
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Hailemariam Desalagn ayaa isna ka mid ah wafuuda soo gaartay, iyadoo ay ku wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Itoobiya.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in madax ka socota wadamada deriska la ah Soomaaliya ay iyana qaarkood soo gaarayaan saacadaha soo socota, waxaana ka mid ah madaxdaasi xubno ka socda Dowladaha Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
Dhinaca kale waxaa aroornimadii hore ee saakay magaalada Muqdisho soo gaaray kooxda deegaanka oo ka socota wadanka Jabuuti, kuwaasi oo heeso wadaniyadeedyo fara badan horay ugu qaaday dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyagoo ku baraarujinaya inay Soomaalida u tashadaan aayahooda.
Waxaa la filayaa saacadaha soo socda inay Muqdisho soo gaaraan wufuudii ugu badneyd inay ka soo degaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyago ka qeyb gelaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|