|
Madaxweyne Obama : "Al-Shabaab iyo Al-Qaacida waxay ugu baaqeen shacabka inay jawaab ka bixiyaan Aflaagadadii loo gaystay Nabi Muxamad..."
Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Obama : "Al-Shabaab iyo Al-Qaacida waxay ugu baaqeen shacabka inay jawaab ka bixiyaan Aflaagadadii loo gaystay Nabi Muxamad..."
Barak Obama Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlayay Tvga qaranka Mareykanka ayaa sheegay in xaaladaan lagu jiro ay sababi karto in dhibaatooyin ay geystaan kooxaha Al-Qaacida, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab oo hoos tagta Al-Qaacida kana dagaalanta Soomaaliya ay ku baaqday in jawaab laga bixiyo Aflagaadadii loo gaystay Nabiga.
Obama waxa uu ciidamada Maraykanka faray inay galaan feejignaan sare, wuxuuna amray inay ka hortagaan fal kasta oo khal khal gelin kara shacbiga Maraykanka , isagoo sheegay inay dhici kartto weeraro kaga yimaada dhanka kooxda Al-Shabaab.
"Waa in la adkeeyaa ammaanka goobaha muhiimka ah ee dalka Maraykanka, sida Safaaradaha ku yaala dalalka Islaamka" ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka oo ku dheeraaday ka hadalka hanjabaadka ka soo yeeray Ururka Al-Shabaab oo u muuqatay mid saameyn ku yeelaneysa.
Madaxweynaha Maraykanka waxa uu sheegay inay ciidamo badan u direen qaar ka mid ah wadamada banaanbaxyadu ay ka socdaan, iyadoo Mareykanku ka baqanaayo weeraro argagixiso oo kaga yimaada kooxaha islaamiyiinta ah ee ka tirsan ururweynaha Al-Qaa’ida.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|