Somali News
    Hees  

Kooxdda Al shabaab oo xalay faaruqiyay Magaladda Kismaayo & Dadweynaha oo saaka baananka iskugu soo baxay

Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxdda Al shabaab oo xalay faaruqiyay Magaladda Kismaayo & Dadweynaha oo saaka baananka iskugu soo baxay

wararaka maanta laga helayo magaaladda Kismaayo ayaa waxay soo sheegaayaan in xalay saqdii dhexe ay Horjoogayaashii kooxdda Al-Shabaab ay iskaga huleeleen magaaladaasi, iyagoo u soo dhaqaaqay dhankaa iyo magaaladda Muqdisho.

Rag iyo Dumar haatan ku sugan gudaha magaaladda Kismaayo ayaa inoo xaqiiyay in xalay salaadda maqrib kadib ay horjoogayaasha kooxddasi iskugu yeereen dhamaanba odoyaasha magaaladda masaajid ku yaalla magaaladda oo ay iskugu geeyeen, waxayna u sheegeen in wixii hadda ka dambeeya ay kabaxeen magaaladda Kismaayo kadib markii uu ka soo foodsaaray culeys dhinaca ciidamadda huwanata ah ee isgarabsanaaya, waxay odoyaasha u sheegeen inay magaaladda iyagu la wareegaan , waxaayna yiraahdeen magaaladaan Kismaayo haddii aan nahay masuuliyiintii wilaayadda goboladda Jubooyinka waan ka baxnay Kismaayo idinka ayaana idiinkaga tageynaa wixii hadda ka damabeeya. iyagoo xiligaas wixii ka dambeeyayna bilaabay inay u soo dhaqaaqaan dhinacaa iyo Muqdisho.

Ragaas iyo Dumarkaas oo aan xiriir dhinaca Teleefoonka ah kula xiriirnay, balse ka gaabsaday in magacoodda la soo xigto ayaa xaqiijiyay in saacadihii ugu dambeeyay ay horjoogayaasha Kooxdda Al-shabaabku ay wadeen sidii ay caruurtoodda iyo qoysaskoodaba uga soo saari lahaayeen gudaga magaaladda ksimaayo, waxayna sheegeen in xalay oo ugu dambeeysay ay soo rareen Tiro gawaaridda loo yaqaano nuuca candho meydyadda ay ku soo rareen qoysas badan iyagoo u soo dhaqaajiyay dhinaca magaaladda muqdisho iyagiina ay la hareen gawaaridda kale ee loo yaqaan rooneydyadda iyo kuwa dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyayna waxay sheegayaan in dadweeynaha magaaladda Kismaayo ku dhaqan ayaa saakay iskugu soo baxay wadooyinka magaaladda Kismaayo, iyagoo raxan raxan u taagan dariiqyadda magaaladda kismaayo iyagoo ka wardhowraaya ka bixitaanka kooxdda Al-Shabaab wixii xegi doona.

Dhinaca kale kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidamadda huwanta ah ee isku baheystay la dagaalanka kooxdda Al-Shabaab ay haatan ku sugan yihiin halka loo yaqaan Janay cabdi oo kismaayo u jirta wax ka yar 50Km, balse wixii warar ah ee ku soo kordha la ogaandoonee.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)