Somali News
    Hees  

Khudbadaha marti sharafta caalimiga ah jeediyeen Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Khudbadaha marti sharafta caalimiga ah jeediyeen Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Manaasabada caleemasaarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka kuwaas oo goobta ka sheegay taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka socotay wadamada caalamka ee khudbadaha ka jeediyay ayaa waxaa ka mid ah wakiilo ka socday wadamada Suudaan. Khadar, Uganda, iyo Turkiga waxa ayna sheegeen in ay aad ugu farasanyihiin ka qeyb galka caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud.

R/wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga ayaa sheegay “maanta waa maalin taariikhi ah dadka Soomaaliyeedna ay u tahay maalin farxad ah waxaan maanta Muqdisho u imaaday in aan kala qeyb qaato maanto oo ah maalin farxad ah waxaa safarkeyga iyo wehliyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Turkiga.

Sidoo kale R/wasaare ku xigeenka ayaa u mahad celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna tilaamay in uu ahaa shaqsi ka shaqeeyay nabada dalka Soomaaaliya isagoona Madaxweynaha Cusub ugu baaqay in uu noqdo mid sii wado howshiisa.

Mar uu ka hadlayay R/wasaare ku xigeenka Turkiga abaaraha iyo colaadaha ka jiro dalka Soomaaliya ayaa waxa uu qeexay in dalka uu maray waqtiyo xun maadaama ay jirtay abaar ka daran midan waxa uuna balan qaaday in ay wadayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii ayaa R/wasaare ku xigeenta ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu uu noqdo Ruux u adeega shacabkiisa waxa uuna ALLE uga baryaya in uu u fududeeyo xilkiisa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)