Somali News
    Hees  

Chelsea vs Man City oo 2 Taako loo kala dhigay,iyo Man Utd iyo Arsenal oo Guulo muhiima Gaaray........

Mogadishu Axad 16 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Chelsea vs Man City oo 2 Taako loo kala dhigay,iyo Man Utd iyo Arsenal oo Guulo muhiima Gaaray........

Kulamo ka Tirsan Lugta 4 ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 ayaa shalay la ciyaaray,kulamdaan aya ahaa mid kooxuhu ugu Dagaalamayeen Safka Hore ee Horyaalka Ingiriiska waxana kulmadii shalay dhacay  Taako loo dhigay Kooxaha Chelsea vs Man city oo Barbaro 0-0 iyo 1-1 ay ku celiyeen Kooxaha QPR iyo Stoke City Tasoo keentay in Kalainta 2 lagala Wareego Kooxda Man city oo dhigeeda Man Utd ay Markaasi dhaafto 1 dhibic ka dib Markii ay Cashar u dhigtay Kooxda Wigen kuna legaday 4-0 waxaana Ciyaartaan Man utd si Fiican u shaqeeyay Weeraryahnkooda Reer Mexico Hernanadez oo ka mida weeraryahanada Man Utd ku duuso kaasoo dhaliyay 2 Gool oo ka mida 4ta Gool oo ay ku legdeen Wigen.

Kooxda ASrsenal ayaa iyaduna Darsi Gooolal ah ku sagootisay Kooxda Southampton oo ka timid Xili ciyeedkaan Heerka 2 ka dib Markii ay ku suuldaareen 6-1 waxaan Kulankaasi 2 gool qalinka ku duugay Weeraryahanka reer Ivoire Coast Cervinho oo si wacan u baashalaayay Ciyaartaan Goolasha kale Gool lalal fajacay sidas uu u dhashay waxaa dhaliyay Podulisk oo Lambarka 9 u sita Kooxda Arsenal,iyadoo kulankaan Walchott uu soo afjaray goolsha darsinka ahaa ee Arsenal daqiiqadii 90 waxaan xuisd mudan in Goolashaasi 2 ka mida ay iska dhaliyeen Kooxdii Martida aheyd ee Southampton.

Horyaalka Ingiriiska Kooxda Gabidhacleyneysa ee Liverbool ayaa Barbaro 1-1 la gahsay Sunderlan waxana Goolka Barbaraha ah u dhaliyay 7 Suarez Daqiiqadii 71 wasxaana Liverbool oo Hoos u dfhac weyn uu ka muuqdo Bilowga Xili ciyaareedkaan 2012-2013 ay leedahay 2 dhibcood oo kaliya iyadoo ciyaartay 4 Ciyaarood.

Horyaalka Ingiriiska ee ku jira Meertadiisii 4 ee Wareega Hore waxaa ku Hogaaminaya 10 dhibcood Kooxda Chelsea,Kooxda ManUtd waxa ay leedahay 9 dhibcood,halka  Arsenal iyo Man city ay ka wada leeyihiin min 8 dhibcood,waxaa shalay galab Qasaaray Kooxaha West Bromwich iyo Kooxda Swansea oo min 7 dhibcood lahaa Balse ay shalay dhinacooda dhulka dhigeen Kooxaha Fulham iyo Aston Villa oo uga kala badiyay 3-0 iyo 2-0 sida ay u kala horeeyaan.

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)