Somali News
    Hees  

Waa Maxay Sababaha Dowlada Kenya iyo Maamulka Puntland uga Maqnaadeen Caleema Saarkii Madaxwayne Xassan Sheekh Iyo Warar Xogg Ah

Hargeysa Isniin 17 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Waa Maxay Sababaha Dowlada Kenya iyo Maamulka Puntland uga Maqnaadeen Caleema Saarkii Madaxwayne Xassan Sheekh Iyo Warar Xogg Ah.

Xili Maanta Magaalada Muqdisho lagu caleemo Saaray Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka maqnaaday Caleema Saarka Madaxwaynaha Qaar kamid ah Wadamadii iyo Maamuladii ugu Muhiimsanaa ee la islahaa waa imaan doonaan Caleema Saarka Madaxwaynaha.

Dowlada Kenya oo Saaxiib Dhow la ah Dowlada Soomaliya sanadihii ugu danbeeyay isla markaana Ciidamo ka joogaan Qaybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ayaan Maanta iman Xafladii caleema saarka Madaxwaynaha Cusub Xaflada kasoo qayb galeen Madax ka kala socotay Caalamka iyo wadamada Dariska la ah Somaliya sida Ethiopia Jabuti Sudan Uganda Urur goboleedka Igad Wadamada Carabta.

Dowlada Kenya ayaan usoo dirin Caleema Saarka Xassan Sheekh Maxamuud Wax wakiil iyo masuul matalaya, waxaana ay dad badan shaki xoogan ku dhalisay imaanshiiyo la’aanta Dowlada Kenya ee caleema Saarka Xassan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ka socda Dowlada Kenya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho Maalmo yar kadib marki Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xassan Sheekh waxaana uu kulan la qaatay Madaxwaynaha Cusub Xassan Sheekh, Dowlada Kenya ayaa warar hoose oo malintaas aan ka helnay Shirka waxay sheegayeen inay ka dalbatay in lo magacaabo Raizul Wasare C/welli Gaas oo markaas u aragtay inuu yahay Mid fulinkara danta ay ka leedahay Soomaliya.

Dowlada Kenya ayaa ku hungowday Madaxwaynaha Cusub danihii ay ka lahayd waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Xalay loo diyaarshay ka qayb galka caleema saarka Madaxwaynaha Cusub ee Soomaliya Wasiirka arimaha Dibada Kenya Musas Watangulla laakiin dib udhaca ku yimid Wasiirka imaanshihiisa lama shaacin waxa sababay.

Dowlada Itoobiya oo dhawaan tacsi gashay ayaa Maanta timid Calema saarka xasan Sheekh, waxaana ay usoo dirtay Raizul Wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desilgn, waxaana ay taasi marqaati cad ka noqnaysaa in far ku gudantahay Dowlada Kenya.

Dhanka kale Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland oo Maalmahan warar soo baxayay sheegayeen inay ka qayb galayaan Caleema saarka Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa isna uunan iman goobta.

Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Madaxwayne Faroole baaqashada Safarkiisa iyo Baaqashada Dowlada Kenya ay isku waji yihiin, waxaana la sheegay inay labaduba Madaxwaynaha Cusub ka waayeen Ujeedooyinkoodii oo kala ahaa, Midna in loo fuliy danaha gaarka ah ee uu ka leyahay Somaliya midna Hab qabiil uu ku helo Raizul Wasaaraha Cusub.

Qaar ka mid ah Howadeenada Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaay shegeen in Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Xasan ay kala tageen ka dib marki Madaxweyne Xasan uu Faroole u shegay in R-wasaaraha Somalia uu ka soo xulidoono Gobolada Konfurta iyo Bartamaha Somalia qaas ahaan Beesha Marexaan oo ah Beesha kaliyah ee Darood ah ee wada dagta Gobolada Bartamaha iyo Konfurta Somalia.

Sikastaba Dadka Daraasaadka ku sameeya siyaasada Somalida ee is bad badalka Badan ayaa sheegay inay Dowlada Kenya iyo Maamulka Puntland si toosa ugu fashil meen danihii ay ka lahaayeen Xassan Sheekh Maxamuud.

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)