|
Danjire Mahiga: “Dalka Somalia xilligan waxa uu ugudbay waa cusub , isaga oo ka gudbay KMG-nimadii soo bilaabatay sanadkii 2004-ta.."
Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Danjire Mahiga: “Dalka Somalia xilligan waxa uu ugudbay waa cusub , isaga oo ka gudbay KMG-nimadii soo bilaabatay sanadkii 2004-ta.."
Augustine Mahiga oo QM somalia u qaabilsan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in soomaalida xilligan ay galeen waa cusub oo horumar iyo barwaaqo ah islamarkaana ay iska laabeen baalkii mugdiga ahaa oo Somalia 21 sano ka badan ay ku soo dhexjirtay.
Ambassador mahiiga waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku tilmaamay in dhaarintii madaxweynaha somalia xasan shiikh max’uud ay aheyd mid taariikhi ah oo ka dhigeysa in umadda soomaaliyeed xilligan ay ku talaabsadeen hurumar oo ay wax la wadaagi karaan dowladaha caalamka.
“Dalka Somalia xilligan waxa uu ugudbay waa cusub , isaga oo ka gudbay KMG-nimadii soo bilaabatay sanadkii 2004-ta , waana talaabo geesinimo leh oo siyaasiyiinta soomaalida ay ku dhaqqaaqeen “ayuu Augustine mahiiga ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray.
U qaabilsanaha QM ee arimaha somalia waxa uu ballan qaaday in QM dowladda cusub iyo shacabka soomaaliyeed ay kala shaqeeneyso sidii ay u tiigsan lahaayeen u jeedkooda ugu sareeya oo ah inay helaan amaan iyo inay ku talaabsadaan horumar.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|