Somali News
    Hees  

Jaaliyadda dhaqanka ee Geeska Afrika ee magaalada Örebro(Afrikas horn kultucenter i Örebo AHKC) oo qabatay aqoon-iswaydaarsi lagu horumarinayo waxqabadka jaaliyadda ee mustaqbalka 14/09/2012 – 16/09/2012

Örebro Isniin 17 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Jaaliyadda dhaqanka ee Geeska Afrika ee magaalada Örebro(Afrikas horn kultucenter i Örebo AHKC) oo qabatay aqoon-iswaydaarsi lagu horumarinayo waxqabadka jaaliyadda ee mustaqbalka 14/09/2012 – 16/09/2012.

Aqoon-iswaydaarsigaas oo ka dhacay qolka shirarka ee doonida lagu magacaabo “Riga Romantika” oo ay ujeedadiisu ahayd in si dhab ah ay jaaliyaddu u qorshayso wax-qabadkeeda aayaha dhaw iyo kan fog, si ay jaaliyadda, xubnaheeda iyo guddigeeda uga mira dhaliyaan hawlaha loo igmaday ee biyo kama dhibcaanka ah.

Aqoon-iswaydaarsigaas ayaa waxaa ka soo qayb galay guddiga jaaliyadda, khubaro kala duwan, hawlwadeenno iyo siyaasiyiin saamayn ku leh bulshada Örebro.
Haddaba shirkan ayaa ahaa mid leh ujeeddo cad oo ahayd sidee ay jaaliyadda iyo xubnaheedu u hor marin karaan hawlaha hor yaal oo ah kuwo qoto dheer leh isla markaasna ay ula jaanqaadi lahayd jaaliyaddu maamulka gobolka ”Örebrolän” ee ay ka hawl gasho.
Aqoon-iswaydaarsigu wuxuu u qaybsana saddex qodob oo kala ahaa:
Qorshaynta hawl qabadka jaaliyadda.
Wada shaqaynta jaaliyadda iyo hayadaha kala duwan ee gobolka Örebro iyo abuuritaanka mashaariicda jaaliyadda ee mustaqbalka.
Wax ka bedelka xeerka iyo qaab dhismeedka jaaliyadda.
Saddexdaas mawduuc ayaa waxaa ka soo shaqeeyey saddex guddi oo loo xulay aqoonta ay arrimahaas u leeyihiin.

Saddexda guddiba waxa ay soo bandhigeen hindisayaashooda ku aadan hawlihii loo igmaday in ay ka soo talo bixiyaan. Sidaas awgeed waxaa halkaas ka soo baxay go´aamo dhaxal gal ah oo ku wajahan arrimahaas. Waxaa la abuuray guddi hawleedyo arrimahaa ka shqeeya oo ka miro dhaliya.

Shirka ayaa waxaa furay guddoomiyaha jaaliyadda Abdi-Mahdi A. Warsama isago qeexay ujeedada aqoon-iswaydaarsiga iyo barnaamij maalmeedkiisa.

Markaas kadib ayaa waxaa soo bandhigay fikradahooda ku abbaaran sida ugu fiican ee ay u arkaan in uu noqdo hawl-qabadka jaaliyadu Yusuf Abdo(Siyaasi iyoXildhibaan ka tarsin baarlamaanka degmada), Abdi Muhudin Mooye iyo Saalim Bakar oo dhammaantood ah khubaro iyo xubno aad u fir-fircoon oo ka tirsan jaaliyadda AHKC.

Waxay ahayd fursad aad u qiima badan in uu ka mid ahaa aqoon-iswaydaarsigan dhakhtarka Soomaaliyeed ee kamidka ah dhakhaatiirta ka shaqaysa magaaladan Örebro Dr Caabi … isaga oo ku soo bandhigay goobtaas, fikrado ku abbaaran caafimaadka iyo qaabka ugu habboon ee dadka Soomaaliyeed ula qabsan lahaayeen. Arrintaas oo ahayd mid aad loogu guuxay ayaa lagu ballamay in jaaliyadda iyo hawlwadeenka caafimaadka ee magaalada Örebro horay u sii amba-qaadaan.

Waxaa isna aqoon-iswaydaarsiga ku soo bandhigay barnaamij aad loogu bogay khabiirka lagu magacaabo Bosse Hallonqvist kaas oo ka mid ah huggaanka guriyeynta ee degmada Örebro(ÖBO) sida ugu fiican ee jaaliyadda iyo hayda guryaha ee Örebro(ÖBO) ay u wada shaqayn lahaayeen . Kadibna waxaa la isla afgartay sidii jaaliyadda iyo hayadda guriyaynta ee degmadu u wada shaqayn lahaayeen iyo wixii ay ka wada shaqayn lahaayeen.

Ugu dambayntiina waxa ay guddiga fulinta iyo ka qayb galayaashii aqoon-iswaydaarsigu hambalyo kal iyo laab ah u direen Madaxweynaha Somalia borfesoor Xassan Shiikh Moxamuud oo maanta la wareegay xilkaas. Waxaana dhammaan ka qayb galayaashu ku booriyeen dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba in ay gacan hagar la`aan ah siiyaan madaxweeynaha, baarlamaanka iyo dawladda Soomaaliyeedba.

Waxanan u jeedna rajo fursad qaaliya oo ay Somalia kaga baxayso qarnigii burburkeeda ayna u jaan-qaadayso qarni cusub oo dhisme iyo qaranimo. Sidaas awgeedna waxaannu ka codsanaynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed in ay garab istaagto qaranimadooda curatay iyo hay adahooda hoggaamineedba.

Guddiga fulinta ee jaaliyadda Geska Afrika(AHKC)











 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)