Somali News
    Hees  

Ismaaciil Cumar Geelle: "Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif waa muwaadin dalka isbadal ku sameeyay.."

Mogadishu Isniin 17 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ismaaciil Cumar Geelle: "Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif waa muwaadin dalka isbadal ku sameeyay.."

Madaxweynaha dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb galeysay munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay goobta oo sheegay in mar waliba dowadiisa ay garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuridda Jabuuti markii uu ka soo istaagay kurisaga uu ku fadhiyay ayaa waxaa goobta dadkii ku sugnaa ay dhamaantoot u sacbiyeen, waxa ayna kooxda Baanbeyda ay garaaceen astaanta Jamhuuriyadda Jabuuti.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u hambalyo u diray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna ku tilmaamay in uu yahay muwaadin dalka isbadal ku sameeyay isagoona carabka ku dhuftay in maanta uu suurta galiyay munaasabada ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu wax badan ka qabto amaanka maadaama muhiimada koobaad ay tahay amaanka, waxa uuna u balan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqeynayaan dowladda.

Dowladda Jabuuti ayaa ah dowlad si weyn u taageerto shacabka Soomaaliyeed waana markii labaad oo uu Madaxweynaha Jabuuti uu yimaado dalka Soomaaliya Mudadii uu burburka jiray.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)