Somali News
    Hees  

Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Dalka Kenya oo Beeneeyay Wararka ay Qoreen Warbaahinta Qaarkeed

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Dalka Kenya oo Beeneeyay Wararka ay Qoreen Warbaahinta Qaarkeed.

Dowladda Kenya ayaa beeniyay warar ay qortay warbaahinta qaar oo ahaa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh shariif sheikh axmed uu kulug lahaa qaraxii lala bartilmamedsaday Madaxweynaha haatan lawareegay talada dalka Dr Xasan sheikh Maxamuud.

Shir jaraa’id oo uu qabtay saxaafadda dalka keenya wasiirka arrimaha dibada Kenya ayuu ku beeniyay hadal ay baahiyeen warbaahinta qaarkeed ee ku aadanaa in uu wasiirku ku eedeeyay madaxweynihii hore somaaliya Sheekh Shariif in uu ka danbeeyay mas’uuliyada qaraxii lagu weeraray hotel Jasiira ee magaalada Muqdisho xili ay kuwada sugnaayeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo wasiirka arimaha dibada Kenya.

Wasiirku waxaa uu sheegay in hadalkaasi eedeynta ah uu yahay mid aanan waxba ka jirin isla markaan sal iyo raad uusan leheyn, waxaana uu tilmaamay in hadal uu sheegay si qaldan loo turjuntay.

Wasiirka ayaa wacad ku maray in ay sharciga la tiigsan doonaan warbaahintaasi sida qaldan hadalkiisa u shaaciyay ee ka been abuurtay ayna cadaalada hor keeni doonaan.

Wasiirka Arimaha dibadda Kenya ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Md Sheekh Shariif madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu yahay shaqsi ku dayasho mudan oo wanaagsan ayna jecel yihiin, isla markaan aysan dhex marin wax qilaaf ah xiliga uu hayay xilka hogaanka Dalka ayna dalka kenya ugu soo dhaweyn doonaa si ka qurux badan sidii marka uu xilka hayay loo soo dhaweyn jiray.

Wasiirka arrimaha dibada Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay saaxiibo yihiin hal cadawo ay leeyihiin uuna ka dhexeeyo dersi wanaag oo aysan jirin wax cadaawad ah oo labada shacab iyo dowladaha ka dhexeeya ayna la shaqeyn doonaan dowlada cusub ee dalka haatan uu yeeshay.

Wasiirka ayaa dhinac iskaleexiyay hadal sheegayay in dowladda Kenya ay dooneysay in hogaanka dalka uu qabto muwaadin iyaga saaxib dhow la ah taasi oo uu ku cel celiyay wasiirka in been ay tahay ayna la shaqeyn doonaan baarlamaanka cusub iyo dowladaba.uu hogaamiyo Dr Xasan sheikh Maxamuud.

Ugu danbeyn Wasiirka arrimaha dibada Kenya mar uu ka hadlayay doorashada dalka Soomaaliya ka dhacaday ayuu ku tilmaamay in dowlada Kenya ay la tacajibtay qaabka dimuquraadiga ah ee doorashada u dhacday iyo sida xilka la isugu wareejiyay taasi oo uu sheegay in ku dayasho ay mudan tahay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)