Somali News
    Hees  

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya : "Xilligii ay doorashada dhaceysay, madax ka tirsan Dowladda Kenya waxay wadeen dhaqdhaqaaqyo aniga la iiga soo horjeedo.."

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya : "Xilligii ay doorashada dhaceysay, madax ka tirsan Dowladda Kenya waxay wadeen dhaqdhaqaaqyo aniga la iiga soo horjeedo.."

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa iska beeniyay warar ay qoreen warbaahinta qaarkeed oo ay ka soo xigteen Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ongeri, kaasi oo ku saabsanaa qarax toddobaadkii la soo dhaafay uu ka badbaaday Madaxweynaha cusub ee Dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Shariif Sheekh Axmed in hadalada ay saxaafadu qortay kana soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay yihiin kuwo dhaawac ku ah shacabka labada wadan, isla markaana qaraxaasi uu ahaa mid uu si weyn uga xun yahay.

"Mas'uuliyadda ammaanka Madaxweynaha cusub aniga ayay i saaran tahay ilaa inta uu xilka kala wareegayo" ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed oo dhinaca kale tilmaamay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo meel looga dhacayo mas'uuliyadda isaga ka saaran qaranka iyo Madaxda sare ee Dowladda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Kenya aanay dhexdhexaad ka ahayn doorashadii ka dhacday dalka gudihiisa, isagoona tilmaamay in Dowladda Kenya ay wadday olole isaga ka dhan ah, iyadoo Kenya u gudbisay wadamada caalamka warbixin ay isaga uga horjeedo.

"Xilligii ay doorashada dhaceysay, madax ka tirsan Dowladda Kenya waxay wadeen dhaqdhaqaaqyo aniga la iiga soo horjeedo" ayuu yiri Madaxweynihii Shariif Sh. Axmed oo dhinaca kale xusay in dacaayadda beenta ah ee madaxda Kenya ka soo yeertay ay la xiriirto arrintaasi.

Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in shacabka labada wadan uu uga tacsiyeynayo warka ka soo yeeray madaxda Kenya, isagoona sheegay in labada shacab ay ka dhaxeyso dano isku mid ah oo fara badan, sidaasi darteedna loo baahan yahay inay danahaasi wada ilaaliyaan.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)