Somali News
    Hees  

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dacwad u gudbisay dowladda Kenya.

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dacwad u gudbisay dowladda Kenya.

Safiirka dawladda Soomaliyeed u fadhiya dalka Kenya Dr Maxamed cali Ameeriko ayaa sheegtay in ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya u gudbiyeen wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi keenya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Dr Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Ragga wararka dira ayaa isagoo kusugan magaalada Nairobi waxaa uu sheegay in Safaaraddu ay dacwad ka dhan ah qortay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi una gudbisay Wasaaradda arimaha Dibadda dalkaasi, kadib markii sida ay qoreen warbaahinta dalkaasi uu wasiirku ka mid ah wasiiradda dalka keenya uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md Shiikh Shariif Shiikh Axmed in uu ka dambeeyay qaraxii 13-kii bishan ka dhacay Hotelka Jazeera ee Muqdisho xilligaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka dalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirkaasi.arimaha diabadda una socoday kulan ay ku laheyeen Hotel Jaziira ee magaladda Muqdisho.

Safiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta dowladda Kenya ay u sheegeen in hadalkaasi uu raaligelin ka bixindoono Wasiirku, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay warkaasi ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qef iyo sharaf dhac weyn ay ku tahay madaxda Qaranka.

Dhinaca kale hadalka safiirka Ameeriko ayaa imaanaya xilli sida la sheegay wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa dalkaasi uu daabacay hadal uu ka soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jazeera 13-kii bishan kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah, iyadoo mas’uuliyadda qaraxaasi ay sheegatay kooxda argagixisada ah ee Kooxdda Al-Shabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)