|
Soomaalida K/Afrika Oo Ka Xumaatay Dilkii ALLAHA u Naxariistee Nasro Maxamed Qamaan
Cape Town Talaado 18 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Soomaalida K/Afrika Oo Ka Xumaatay Dilkii ALLAHA u Naxariistee Nasro Maxamed Qamaan
Soomaalida ku nool dalka K/Afrika, ayaa si aad ah uga xumaaday dhacdo dil iyo kufsi ah oo ALLAHA u Naxariistee Gabar Soomaaliyeed oo 9-bilood oo uur ah laheyd loogu gaystay Magaala-xeebeedka Port Elezabeth ee dalka Koonfur Afrika.
Sida ay xaqiijinayaan cadaymaha laga helayo Dhaqaatiirta dalka iyo Taliska Booliska, ka dib baaritaan rasmi ah waxaa la ogaaday in Nasro Maxamed Qamaan oo ah Gabadha Soomaaliyeed ee la dilay ay hoygeeda ugu galeen kooxo dablay ah misana kula kaceen faraxumeyn aad u fool xun, islamarkaana ay ceego ku dileen, sida cadaymo faro ah oo la helay ay muujinayaan.
Waxaa falkan si murugo miiran uga xumaaday dhammaan Soomaalida ku nool dalkani K/Afrika, iyagoo ugu baaqay Dowladaha Somalia iyo South Africa inay tallaabo cad ka qaadaan dhagar-qabayaasha falkani argagaxa leh nolosha ugu qoonsaday gabadhaasi Soomaaliyeed, iyadoo isla Magaalada PE fal caykan oo kale ah kal hore loogu gaystay Hooyo Soomaaliyede iyo Saddex caruur ah oo ay dhashay.
Dhinaca kale, waxaa habeen hore oo Isniin aheyd Laba wiil oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah siyaabo kala duwan loogu dilay deegaanka Khaylitsha iyo Parow oo ku yaala duleedka Cape Town, iyadoo kooxaha falkaasi fuliyeyna ay goobta ka baxsadeen ka dibna ay qaateen wixii ay awoodeen ee yiilay Dukaamada wiilasha la dilay.
Ciidamada Booliska, ayaa sheegaya inay baaritaano ku hayaan falkan, islamarkaana ay si deg deg ah gacanta ugusoo dhigi doonaan qawlaysatada khaarijisay muwaadiniintani Soomaaliyeed.
C/risaaq Indha Jaceyl
Cape Town, South Africa
Email : Daauus1@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|