|
Somaliland oo soo dhoweysay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Somaliland oo soo dhoweysay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Maamulka Somaliland ayaa soo dhoweeyay isla markaana taageeray isbedelka ka dhacay dhowaan dalka iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo dhowaan Baarlamaanka codka aqlabiyadda ay ku doorteen Dr. Xasan Sheekh Maxamuud inuu noqdo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inay ugu tahniyadeeynayaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana uu dhinaca kale sheegay inuu ku faraxsan yahay wadahadal dhex mara Soomaaliya iyo maamulkooda oo laga sii ambaqaado meeshiisii hore.
Dr. Maxamed Cabdullaahi oo u waramayay wakaaladaha wararka ayuu sheegay in wadahadal dhexmara Soomaaliland iyo Dawlada Soomaaliya uu yahay mid loo baahan yahay ha yeeshee waxa uu meesha ka saaray in wadahadalkaasi ku lifaaqan tahay midnimo mar kale dhex marto Koofurta iyo waqooyiga Soomaaliya.
“Waxaan idiin sheegayaa in aan soo dhaweynayo hadalka Madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxay Xasan Shiikh Maxamuud ee ku aadanaa in lasii xoojin doono wadahadalkii u dhaxeeyay labada dhinac waxaase cadeyneynaa inaan la midoobi doonin Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|