Somali News
    Hees  

Kulan loogu dabaal degayay caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Hotelka Africana ee dalka Uganda.(Sawirro)

Mogadishu Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan loogu dabaal degayay caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Hotelka Africana ee dalka Uganda.(Sawirro)

Kulan ay soo qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka kala socotay dowladda Uganda, Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee Uganda, Odayaasha dhaqanka, Saraakiil, Culumaa’udiin, Ganacsato, Aqoonyahanno, Saxafiyiin, qurbajoogta Soomaalida, dhalinyaro, rag iyo dumar iyo marti sharaf kala duwan.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Axmed Maxamuud Tarsan oo ugu horreyn kulankaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay guul weyn oo lama iloobaan ah gaartay, isla markaana ay u qorantay taariikh dahabi ah, mar haddii buu yiri ay dalkeeda ku qabsatay doorasho xor ah.
 
Waxa uu sheegay in ay jireen dad ka shaqeynayay in dalka Soomaaliya amnigiisa uu faraha ka baxo, kuwaasoo Muqdisho ka dhigay meel bahalo galeen, laakiin gaashaanka ayaa loo daruuray oo waa laga diiday qorshahaas, Muqdishana waa amni haatan oo sida aad la socotaan shirar ayaa ka dhacay ugu dambeyna madaxweyne ayaa lagu doortay ayuu yiri Guddoomiye Tarsan.
 
"Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waa la isku halayn karaa nabadgalyadeeda, waayo waxay marti gelisay 825 ergo Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya kuwaasoo shir ku qabtay Muqdisho, iyagoo aan Hoteello lagu xareynin oo nin waliba uu meeshuu doono Muqdisho ka degay shirna ay ku qabteen, Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si nabad ah Muqdisho shir ugu yeeshay oo xildhibaannada Baarlamaanka ku soo xulay kuwaasoo Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne si xor ah ku doortay" ayuu yiri Tarsan oo intaa sii raaciyey "Guusha ay shacabka Soomaaliyeed gaartay ayaa ah in dalkooda ay ku qabsadaan shir, madaxdooda doortaan, si Dimoqraadi ah xilka uga degaan madaxda kuwa la doortayna ula wareegaan".
 
"Waa run waddankeenu weli wuu burbursan yahay laakiin waxaynu gaarnay biseyl siyaasadeed" ayuu yiri Tarsan oo kula dardaarmay xubnihii u tartamay madaxweynenimada ee laga guulaystay inay la shaqeeyaan madaxweynaha la doortay iyagana ay doorkooda sugtaan.
 
"Qofka Ilaahay uu saldannadda noogu dhiibay waa inaan ku taageernaa, waayo saldanadda Ilaahay ayaa bixiya ee hala taageero ayuu yiri, wuxuuna kula dardaarmay Soomaalida qurbo joogta ah inay dalka dib ugu soo laabtaan oo maalgashi ku samaystaan, isagoo xusay in dad shisheeye ah ay ku baratamayaan maalgashi ay Soomaaliya ku samaystaan, sidaas darteed Soomaalida wax heysata looga baahan yahay inay dalkooda maalgashi ku samaystaan.
 
"Muqdisho inay nabad tahay waxaa u daliil ah buu yiri in musharixiintii tartamayay mid waliba uu masawirkiisa ku dhegsaday tabeelayaal Muqdisho ku yaala, ma jirin boorar ama hal masawir oo la jeexay taasina waa biseyl ay ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool ay gaartay" ayuu yiri.

 
Waxa uu xusay in Muqdisho ay la soo noqotay sharafteedii, caasimadnimadeedii, waxaa ku soo laabtay buu yiri Soomaalidii ka barakacday, magaaladu waa buux dhaafsantay, Hoteelladii waa wada buuxaan, dhismayaashii waa la dayactiray, baabuurta waa ciriiri oo in muddo ah ayaad sugeysaa Bas aad raacdo dadka oo dib ugu soo noqday caasimadda Muqdisho awgeed ayuu yiri

Waxa uu dhanka kale xusay in weli aan la gaarin nabad buuxda, "Ilaa madaxda dowladda Soomaaliya ay si xor ah Muqdisho ugu dhex lugeeyaan weli nabad lama helin, waayo aniga Xamar waan iska dhex socday inta aan xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir la ii magacaabin, oo saaxiibaday ayaan meel kasta kula kulmayay, laakiin markii xil la ii magacaabay gaadiid dagaal ayaa ila socday oo i ilaalinayay, xorna ma ahi, marka waxaan xor noqon karnaa marka qarankeenu dhismo oo shacabkeenu garto xoriyadda iyo amniga" ayuu yiri.
Madaxweyne Shariif ayuu ku ammaanay nin samir iyo dulqaad badan, waayo isagoo xabad ku soo dhacayso oo madaxtooyada la soo duqeynayo lagu dhimanayo ayuu samir ku joogay, dulqaadkiisa ayaana lagu gaaray heerka Soomaali maanta gaartay ayuu yiri, wuxuuna ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee u wareejiyay jagada uu dhibka badan u soo maray.

Madaxweynaha cusub ee Somaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ugu duceeyay in uu Ilaahay la garab galo xilka culus ee loo doortay, wuxuuna sheegay in culeyska heysta loo baahan yahay in lagu taageero laguna garab istaago, si uu u guto buu yiri waajibaadka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa.

Ururka Al-shabaab waxaan u dirayaa fariin ayuu yiri, waxaana leeyahay waa uu dhammaaday filimkii aad jileyseen ee dadkiina soo dhex gala, cafis baa la idiin fidinayaa, laakiin kuwa uu Mareykanku raadsanayo ee Liiska u galay anaga tabar uma hyeyno oo cafis uma fidin karno, laakiin kuwa aan Liiska Mareykanka gelin cafis ayay dowladda u fidineysaa, fikirkaasna aniga iyo madaxweynaha la doortay waan isla qabnaa.

"Ajnabiga nala jooga anagaa rabna, waa walaalaheena, wey noo soo gurmadeen, dhiigooda ayay inoo hureen, waxa kaliya ee cadowgeena ah waa Al-shabaab, waayo wey na dilayaan oo hubka anaga ayay inoo sitaan, aqoonyahan ma deynayaan, dhakhaatiir ma deynayaan, wadaaddo ma dhaafaan, haweenka iyo carruurta bam ayay ku qarxinayaan, dhiigeena ayay banaysteen, waxaana leeyahay oo dadkiina soo dhex gala.

Qunsulka Soomaaliya ee dalka Uganda, ahna sii haya safiirka Soomaaliya ee Uganda Muuse Macalin Yuusuf Bashiir ayaa isna kulanka ka hadlay waxa uuna sheegay in maanta isbedel uu yimid, isla markaana madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay hadiyad uu Ilaahay ummadda Soomaaliyeed siiyay, hadiyadduna wax la filo ma ahee waa wax si kedis ah ku yimaada, waxaana u rajeynaynaa madaxweynaheena in Ilaahay howsha culus ee sugeysa u fududeeyo.

Dowladda Uganda ayuu u mahad celiyey, wuxuuna ku ammaanay soo dhaweynta ballaaran ee ay shacabka Soomaaliyeed ugu samaysay dalkeeda.

Jeneraal Flip Mugisha oo ahaa Taliyihii ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, isla markaana ah isku xira ciidamada qalabka sida ee dalka Uganda ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca dowladda Uganda iyo ciidamada Uganda inuu u mahad celinayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa buu yiri madaxweyneynihii hore ee xilka ka degay Sheekh Shariif oo si dimoqraadi ah xilka uga degay, kaasoo taariikh lama iloobaan ah ka galay buu yiri adduunka, gaar ahaan qaaradda Afrika.

"Doorashada dhacday waxay marqaati cad u tahay in Soomaaliya ay xal gaartay mar haddii si xor ah ay Muqdisho ugu doorteen xildhibaanno, Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne" ayuu yiri.

"Markii aan Muqdisho tegay waxaa la i weydiiyey Uganda waxay Soomaaliya u joogtaa taageerada Sheekh Shariif iyo inay ummadda Soomaaliyeed gaalayso, laakiin waxaan u sheegay in ciidamada Uganda ay Soomaalidca taageereyso ee Sheekh Shariif aysan taageereynin waayo waxay ciidamada AMISOM Soomaaliya tageen iyadoo aan madaxweyne loo dooran Sheekh Shariif oo xilligaas waxaa madaxweyne ahaa marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, haddana waan taageereynaa Soomaaliya iyadoo madaxweyne cusub la doortay, waayo shaqsi ma taagereynee waxaan taageereynaa shacabka Soomaaliyeed, madaxweyne kasta oo aad doortaana waan taageeraynaa" ayuu yiri.

"Waxaan idiin weydiinayaa tan iyo markii aan Soomaaliya tagnay hal Kaniisad miyaan ka dhisnay, jawaabtu waa maya, taasina waxay marqaati cad u tahay inaan Diin iyo arrimo kale aanan u soconin oo taageerada shacabka Soomaaliyeed oo kaliya aan u tagnay dalka Soomaaliya" ayuu yiri.

"Aniga inta aan Soomaaliya aadin ayaan isweydiiyey waa maxay sababta Soomaalidu isu dileyso, muxuuna yahay Soomaaliya dhibka ka jira, maadaama Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah oo isla dhashay, isku af ah isku diin ah, hal Qaranna heysta, ilaa iyo haddana Jawaab uma helin taas, Soomaalida ayaana ka sugayaa jawaabta" ayuu yiri Jen. Mogisha, balse khiyaas uu bixiyey ayuu ku sheegay in dhibka heysta Soomaalida uu yahay tafaraaruq.

"Soomaalidu dhulkeeda way jeceshahay, laakiin qof dalkiisa jecel sida uu u dhaqmo uma dhaqamaan Soomaalida, taasna layaab ayay igu noqotay, haddii aadan dhulkiina xafidina dad kale ayaa degi doona ee waa iga dardaarane dalkiina xajista" ayuu si guubaabin iyo caqli celin ah ugu sheegay Soomaalida kulankaas ka qeyb gashay.

"Haddii aad rabtaan inaad ogaataan saaxiibka kaliya ee Soomaaliya leedahay waa Uganda, adinkana waxaan idin leeyahay gurigiina dhista, Uganda weligeed way idin garab taagnaan doontaa si aad ugu noolaataan nolol wanaagsan, waa run in nafteena aan idiin hurnay oo dhiiggeena idin daadinay, waxna idinkama hagran, marka nala shaqeeya oo dalkiina nabadeeya" ayuu yiri.

Ku-xigeenka madaxa Protacol wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Uganda Jackson Abigaba oo ka hadlay isna munaasabadda ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in madaxweyne Xasan Sheekh lala shaqeeyo, isna uu dadkiisa si daacadnimo ku jirto ugu howl galo.

Xaaji Maxamuud Saney Maxamed oo ku hadlayay magaca odayaasha dhaqanka Soomaalida ee dalka Uganda ayaa isna u hambalyeeyay madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna xusay in uu yahay madaxweyne dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah, isla markaana aan gacmaha dhiig ku wadan kana yimid ururada bulshada rayidka.

Dowladda Uganda ayuu si aad ah ugu boggaadiyay, isagoo sheegay in Soomaalida ku nool ay ula dhaqanto si wanaagsan oo furfurnaan leh, waxaan qireynaa in dowladda Uganda ay si wanaagsan inuu soo dhaweyso, waa dowladda kaliya ee Baasaboorka Soomaaliya si xor ah Garoonkeeda diyaaradaha looga soo dego ayuuna yiri.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waan soo dhaweyneynaa, Sheekh Shariifna waan sii sagootineynaa, waayo waqti adag ayuu Soomaalida ka soo gudbiyey, waxaana marqaati ka nahay inuu ahaa nin xilkiisa gutay, waxaana ummadda Soomaaliyeed ka dalbanayaa in madaxweynihii hore Sheekh Shariif ay iska cafiyaan ciddii wax ka tabanaysa, waayo qof kasta Usha wey ka dhacdaa" ayuu yiri Xaaji Maxamuud Saney.

"Waxaa sharaf inoo ah in dowladda maanta inoo dhisan ay ku timid dedaalka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, odayaashuna waajibaadkooda ha guteen oo dedaalkooda halkaa haka sii wadeen" ayuu yiri wuxuuna Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarmay in uu ka taxadaro Ra’isal wasaaraha uu magacaabayo.

"Sida loo doortay isaga ee loo aaminay nin uu u aaminsan yahay in uu Ra"isal wasaare u magacaabo ayaan ka dalbanaynaa" ayuu ugu dambeyntii yiri Xaaji maxamuud Saney.
Abwaan Khaliif Jaamac Baalle oo ka mid abwaannada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ayaa isna halkaas ka soo jeediyey tix Gabay ah oo uu aad ugu ammaanay madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale wuxuu aad u ammaanay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo uu ku tilmaamay geesi Afrika u soo baxay.

Abwaan C/llaahi Maxamed Wardheere ayaa isna halkaasi ka tiriyey tix Gabay ah oo uu uga hadlay taariikhdii SYL, wuxuuna sidoo kale u duceeyay madaxweyne Sheekh Shariif oo uu sheegay in uu ahaa halyay ummadda Soomaaliyeed dhibaatada ka saaray, wuxuuna madaxweynaha cusub ee haatan la doortay Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu isna ugu duceeyay inuu xilka Alle ku garab galo.

Sheekh Ibraahim Xasan oo ku hadlayay magaca Ganacsatada soomaaliyeed isla markaana ah Guddoomiyaha shirkadda Xawaaladda Dahab-shiil ayaa isna sheegay wuxuuna u mahad celiyay madaxda ka soo qeyb gashay kulanka, isagoo sheegay in marka hore ay soo dhaweynayaan madaxweynaha cusub oo uu sheegay in looga baahan yahay inuu isku raadiyo ummadda Soomaaliyeed ee kala irdhowday, kuwii qaxay dib dalka ugu celiyo, kuwii isu coloobay isku heshiisiiyo, kuwa aqoonta waayay uu aqoon u raadiyo, kuwa dhibaateysan ee diiftu heysato uu dhammaantood wax u qabto, waxaan leeyahay xil culus baad qabatay ee Ilaahay hakugu garab galo, waxaana Ilaahay ka baryeynaa inuusan ku fashilmin howsha adag ee loo dhiibay.

Waxaa kale oo xubnihii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Safiye Mire Xaaji oo ku hadlaysay magaca Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Uganda, Canab Xuseen Sabriye oo iyana goobta ku soo bandhigtay Buraanbur ay ku amaanayso Calanka buluugga ah ee Soomaaliya iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue) oo isna ku hadlayay magaca Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Uganda ahna X/guud Isbahaysiga madaxa bannaan ee turxaanbixinta Soomaaliya (IFISO), Col. Cabdi Afrax Tifow oo ku hadlayay magaca saraakiisha ciidamada Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool, Cali-qadar warjiid oo ah Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaalida Uganda, isla markaana ahaa howlwadeenka ugu firfircoonaa munasabaddaas iyadoo sidoo kale dhanka abaabulka ay wadeen Sheekh Muuse Maxamed Cusmaan iyo Xasan Xaashi Maxamed (Curri), Ugaas Axmed Faarax, Xuseen Ibraahim Nuur iyo Cabdi-nuur Maxamed Kediye.

Kulankaas oo ay goobjoog ka ahaayeen madax kala duwan oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka G/Banaadir Iimaan Nuur Abiikar, Xoghayaha degmooyinka Gobolka banaadir Muqtaar Maxamed Axmed (Dhega-cadde), Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda Xuseen Abuukar Xasan (Garweyne), Dr. Aweys Macalin C/llaahi iyo marti-sharaf kale ayaa ku soo gabagaboobay si guul ah.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)