Somali News
    Hees  

XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR wuxuu si xoogan u cambaareynayaa hadaladii ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibedda Mr.Sam Ongeri ee Dowladda
Keny

Milano Talaado 18 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ongeri reveals intrigues behind Somalia's assassination plot.

XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR wuxuu si xoogan u cambaareynayaa hadaladii ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibedda Mr.Sam Ongeri ee Dowladda Kenya kuna tilmaamayaa mas'uul aan hadaladiisa lahayn miisan isla markaana garanaynin qaabka loo wajaha siyaasadda ku salaysan calaaqadka ka dhexeeya
Dowladaha Calaamka.

Sida uu madaxweynahii hore oo dhihi lahaa waa nin ay marada ka dhacday .

Mr.Sam Ongeri waa in uu keenaa cadeen aan caad sarneen eedeenta uu u soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliyaa hadii ay taasi noqon weysa sida aan hubno waa in uu raaligelin buuxda ka bixiyaa oo shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmad ku qanci karaan.

Soomaalia iyo Kenya waa laba Dowladood oo walaala ah darisna ah calaaqad fiicana leh oo aanu u rajaynayno in calaaqaadkaan wanaagsan oo ku dhisan walaaltanimo iyo darisnimo wanaagsan sii kordho haseyeeshee uma aan dulqaadaneyno in Dowladda Keenya ay soo farageliso arimaha Soomaaliya ama ay mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ula dhaqanto si aan qurux badneen.

XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR marnaba ogolaanmayo in mas'uuliyiinta Soomaaliya kuwa hadda ama kuwii hore loo gafo ama loo soo jeediyo hadalada aan laga fiirsan ama eedeen aan sal iyo raad midood lahayn.

Dowladda Kenya waa in ay raali gelin buuxda ka bixiso hadaladda qaabka daran ee ka soo yeeray wassirkooda arimaha dibedda.
Midda kale waxaan si xoogan kaga codsaneynaa Madaxweynaha cusub, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Afhayeenka Baarlabaanka iyo ku xigeenadiisa in ay jawaab mudan ka bixiyaan.

XISBIGA DIMOQRATIGA BANADIR
soomaal@ymail.com

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)