Somali News
    Hees  

Golaha ammaanka ee QM oo kula taliyay Madaxweynaha cusub inuu soo magacaabo Ra'iisul wasaare karti leh xukuumadiisana gaarsiin kara dalka oo dhan

Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Golaha ammaanka ee QM oo kula taliyay Madaxweynaha cusub inuu soo magacaabo Ra'iisul wasaare karti leh xukuumadiisana gaarsiin kara dalka oo dhan.

Golaha ammaanka ee Q,M ayaa u jeediyay M/weynaha cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Max’ud inuu soo dhiso dawlad wax tar leh oo dalka ka saari karta dhibaatooyinka ka jira.

War murtiyadeed ka soo baxay fadhi gaar ah oo golaha amaanku ku yeeshay magaalada New York ayaa waxaa lagu sheegay in goluhu la dhacsan yahay qaabkii M/weyne Xasan Shiikh loo doortay isla markaana uu halkiisa kasii socon doono taageerada golaha amaanka uu siin jiray dawlada Soomaaliya.

War murtiyadeedka ayaa ugu baaqaya M/weynaha cusub inuu dhaqso u soo magacabo R/wasaare tayo badan kadibna in la unko dawlad wax qabad badan oo dalka dhibaatooyinka ka saari karta.

Inuu la dagaalamo musuq maasuqa iyohagar daameynta dawladiisa ayaa lagu qoray warkaasi kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M waxaana warku intaa ku darayaa in M/weynaha cusub uu gacan adag ku qabto cid kasta oo uu arko inay nabada caqabad ku yihiin.

"Doorashadii gudoonka sare ee baarlamaanka tii M/weynaha iyo ka bixistii xaaladda ku meel gaarka ee Soomaaliya dhamaan waxay ahaayeen tilaabooyin muhiim ah oo golaha amaanku guul u arko" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M.

"Waa in M/weynuhu soo magacaaba R/wasaare karti leh xukuumadiisana gaarsiin kara dalka oo dhan" ayaa sidoo kale lagu yiri warkaas.

Safiirka dawlada Ingiriisdka u fadhiya Q,M danjire Mark Lyall Grant ayaa sheegay in goluhu uu M/weynaha c usub ugu baaqayo inuu dajiyo hab miisaaniyadeed saxan si aan musuq maasuq u dhacin.

Golaha amaanka ayaa kulan gooni ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya magaalada New York todobaadka dambe ayadoona uu kulankaasi markii ugo horeysay ka qeyb galayo M/weyne Xasan Shiikh.

Dhinaca kale Golaha amaanka iyo nabad galyada Midawga Afric ayaa hore u taageeray dawlada cusub ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)