Somali News
    Hees  

Xaflad lagu tageerayo madaxweynaha Cusub ee jamhuuriyadda Feddaraalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magalada Örebro ee bartamaha Iswiidhan

Örebro Arbaco 19 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad lagu tageerayo madaxweynaha Cusub ee jamhuuriyadda Feddaraalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magalada Örebro ee bartamaha Iswiidhan.

Soomaalida magaalada Örebro ayaa isugu soo baxay xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu taageerayay isbeddelka dalka iyo hoggaanka cusub ee loo doortay dalka.

Dadweynihii ka soo qayb galay ayaa halkaasi hambalyo iyo bogaadin u dirayay Madaxweynaha Cusub Prof Xasan Sheekh Maxamud iyo Guddoomiya Barlamaanka Soomaaliyeed Prof Maxamed Cismaan Jawaariaa iyo kuxigeennadiisa.

Madasha ayaa waxaa isugu yimid bulshada qaybaheeda kala duwan, aqoonyahanno, siyaasiyiin, culumaa’uddiin iyo salaadiin. Dadweynahaas oo ahaa kuwa uga soo kala hayaamay goballada dalka Sweden si ay halkaasi uga qayb qaatan xafladda loogu hambalyaynayay. Madaxweynaha Cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafladda ayaa lagu soo dhaweeyay Sheekh Amiir oo ka mid ah culumada magaalada Örebro si uu madasha ugu daah furo ayadaha Qur'aanka iyo muxaadaro diini ah, halkaaso uu sheekha uga sheekayay diintu sida ay muslimiinta fartay in ay tahay in la raaco oo la addeeco hogaamiyaashooda .

Xafladdu ayaa ahayd mid ay soo agaasimeen Golaha ururada soomaaliyeed ee Sweden. Guddoomiyaha Golaha urarada soomaaliyeed ee Iswiidhan mudane Mustaf Cali Siyaad ayaa ka warbixyay ujeeddada kulanka inay ay ahayn oo kaliya taageerada isbeddelka hogaanka dalka. Sidoo kale ay tahay dhiiragelinta isbeddelka amini ee uu indhihiisa kusoo arkay, booqasho uu dhawaan ku tagay Soomaaliya. Mudane Mustaf Cali ayaa ugu bishaareeyay guud ahaan umadda soomalaiyeed isbeddelka dalka iyo ka bixidda kumeelgaarnimada.

Guddoomiye Mustaf ayaa bulshada ku booriyay in ay la shaqeeyaan dowladda kana wada shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa karaamadii umadda, golaha ururada soomaaliyeed ee Iswiidhanna ay ku dadaali doonaan wixii karaankooda ah.

Waxaa sidoo kale halkaasi tix gabay oo taageero iyo ducuo xambaarsan ka soo wada jeediyay laba ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magalada Örebro, iyadoo dhanka dumarkane ay halkaas burunbur kasoo jeedisay marwo Maryan Caddow.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qayb galay aqoonyahan ay ka mid yihiin mudane Maxamed Yasiin Iidle, Mudane Xarbi Amiir iyo guddoomiyaha faraca Xisbiga Hiilqaran ee Sweden Cabdifataax Baanacaymuun, iyaga oo dhammaantood halkaasi ka jeediyay qudbado wax ku ool ah, kuna boorinayay dadweynihii halkasi ka soo qayb galay taageeridda dowladnimada iyo nidaam kala dambeyn leh. Sidoo kalena usoo jeediyeen dowladda talooyin wax ku ool ah.

Mudane Xarbi ayaa si gaar ah madaxweyna uga digay inuu raaco lataliyaal aragti gaaban. Sida inta badan ay falaan madaxda dunida saddexaad.

Xafladda ayaa ahayd mid ku soo dhamaatay jawi degan isla markaasna lagu qaadayay heeso waddani ah.










Waxaa diyaariyay
Xaamid Yare
Örebro Sweden

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)