|
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanada Soomaaliya iyo Musharixiintii isaga kula tartamaysay xilka uu iminka hayo
Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaanada Soomaaliya iyo Musharixiintii isaga kula tartamaysay xilka uu iminka hayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xalay waxaa uu kulan ay al Baabadu U xirnaayeen kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Qaar ka mid ah Musharixiintii ay ku wada tartameen Xilka Madaxtinimada 10 Bishaan September waxaana uu kala hadlayay Sidii ay Talooyin uga siin la haayeen soo Magacaabista Ra'iisul wasaaraha dalka .
Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo magacaabi lahaa Ra'iisul wasaare cusub oo karti leh, wuxuuna talooyin ka dhagaystay madaxdii uu la kulmay Madaxweynaha.
Musharixiinta uu Madaxweynuhu Xalay la kulmay ayaa waxaa ka Mid ah
Prof Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo
C/laahi Axmed Cadow
Axmed Ismaaciil Samatar
Cabdi Raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow
Yuusuf Garaad Cumer Axmed
Cabdi wali Maxamed Cali Gaas iyo kuwa kale
Kulankoodu Markii uu soo idlaaday ayaa waxaa la hadlay Warbaahinta qaar Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof Xasan Sheikh Maxamuud waxaana uu sheegay in uu aad ugu Mahad Celinayo Musharixiintii uu la kulmay Sida ay taageerada ula garab taagan yihiin Mar walba, isagoo faah Faahiyay waxyabaha ay ka wada hadleen inay ka mid ahyd Talooyin ay u soo gudbiyeen oo la xiriira dhinaca Magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay in Asbuucaan uu guda galayo Soo Magacaabista Ra'iisul wasaaha Cusub ee Soomaaliya ay yeelaneyso waxaana uu tilmaamay inay jiraan Mas’uuliyiin Badan oo loo soo gudbiyay uuna Diirada Saari doono Ruuxii uu u arko inuu wax ka qaban karo Marxalada Dalku ku sugan yahay.







Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|