|
Casho sharaf loo sameeyey C/casiis Giftin & Qaluu salaama oo caan ku ah bahda Sportiga dhaxdeeda
London Arbaco 19 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Casho sharaf loo sameeyey C/casiis Giftin & Qaluu salaama oo caan ku ah bahda Sportiga dhaxdeeda
Naadiga Mogadishu stars Fc oo casho sharaf u sameeyay Labo nin oo ku wayn xaga sportiga oo kala ah C/casiis Giftin & Qaluu salaama oo ka kala yimid dalalka USA & Sweden, waxaa ka soo qeyb galay casho sharaftaan odayaasha xaafada Streatham oo si fiican u soo dhaweeyay dadka martida ah si aan lama iloobaan ah, labada martida ahaa ayaa waxay meesha kula kulmeen dad ay in mudo ah ayasan is arkin arintasana waa illaahay mahadiis.
Xaflada inta aysan bilaaban ayaa waxaa halkaas ayaado quraan ah ku furay Xasan matooto, waxaana xaflada daadihinaayay odeyga xaafada streatham Faarax cali rooble, waxaana ka mid ah dadka meesha ka hadlay Cumar, looloow, cabdi jamaal, xaji ikhlaas cumar mukaanbe & aweeys oo nooga yimid gobolka manchester.
Waxaa kale oo ka hadlay labada ruux ee xafladaan casho sharafta loo sameeyay oo kala ah c/casiis giftin & qaluu salaama oo halkaas ka soo jeediyay hadlo bogaadin & dhiiri galin ah xaga sportiga in la garab istaago naadiga mogadishu stars Fc ayay kula taliyeen odayaasha xaafadana waa ay ka aqbaleen artintaas oo soo jeediyay.
Waxaa Xafladaan casho sharafta ah isku soo qaban qaabiyay gudiga naadiga mogadishu stars Fc oo kala ah sidan:-
1- Maxamed xasan axmed
2- maxamed cabdi bootaan
3-c/raxmaan xasan gurey
4-jabriil cali salaad
5- cayduruus muxudiin raage
6- mowliid maxamed ismaaciil
7- aweeys xaaji
8- amiin xaaji cali
9- sharmaake sandheere





Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|