|
Taliyaasha Ciidamada AMISOM oo isbadal lagu sameeyay qaarkood.
Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taliyaasha Ciidamada AMISOM oo isbadal lagu sameeyay qaarkood.
Munaasabad xalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin taliyaal Ciidan ayaa waxaa xilkii looga wareejiyay Taliyihii Ciidamada Ugaanda ee Soomaaliya Joogay ahaana Abaanduuliye ku xigeenka Ciidamada AMISOM Col Bowel Lokej oo isagu Xilkaas Hayay Sanadkii la soo dhaafay waxaana lagu badalay Col Maykal Ondhogo oo isna ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada AMISOM .
Xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya Xuseen Carab Ciise taliyaasha Ciidamada Dowlada Soomaaliya Taliyaasha Ciidamada AMISOM iyo Mas’uuliyiin kale .
Abaanduuliyaha Ciidamada XDS Gen-Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan ayaa u mahad celiyay Col Bowel oo uu sheegay inuu aad ugu mahad Celinayo uuna aad ula soo shaqeeyay intii uu Xilka hayay uuna ahaa nin aad u shaqo Badan .
Bowel Locheg oo isna hadlay ayaa u mahad celiyay Dhamaan Saraakiishii Ciidamada ee ay soo wada shaqeeyeen waxaana uu ku faanay in Al-Shabaab intii uu Xilka hayay uu ka saaray Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Qaarkood taasna ay guul u tahay .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|