Somali News
    Hees  

Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya oo Geeriyooday

Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya oo Geeriyooday.

Safaaradda Soomaaliya ee magaaladda Nairobe ee dalka Kenya Maxamed Cusmaan Aadan (Edson) ayaa xalay ku geeriyooday cusbitaalka Nairobi.

Warkan ku saabsan geerida qunsulka ayaa waxaa shaaciyey safiirka soomaaliya u fadhiya magaaladda Nairobi Maxamed Cali Ameerika oo aan wax faahfaahin ah ka bixin sababaha geerida qunsulka balse waxaa uu ambassador Amerika ku tilmaamay marxuum Edson inuu ahaa nin wadani ah, waxaana uu tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka tagay marxuumku.

Ma jiro war ku saabsan halka lagu aasayo marxuumka oo ka soo baxay qoyskiisa iyo masuuliyiinta safaaradda illaa hada.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)