|
Maraykanka oo sheegay inay maraakiib dagaal ka joogaan xeebaha Soomaaliya, islamarkaana howlgalana ka wadaan Soomaaliya
Mogadishu Arbaco 19 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maraykanka oo sheegay inay maraakiib dagaal ka joogaan xeebaha Soomaaliya, islamarkaana howlgalana ka wadaan Soomaaliya.
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay hadda hawlgalo ka wadaan xeebaha magaalada Kismaayo halkaasoo ay kala socdaan dhaq dhaqaayada Shababku ka wadaan magaaladaasi Kismaayo.
Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalka Maraykanka oo asagoo ku sugan magaaladda Washington la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in maraakibtooda dagaalka ay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaayeen xeebaha magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in ujeedka ay halkaasi u tageen ay tahay inay la socdaan dhaq dhaqaayada ay magaalada Kismaayo ka wadaan hogaanka Xarakadda Al-Shabab iyo xubnaha kale ee Al-Qacida ka tirsan.
Afhayeenkaan ma uusan sheegin in maraakiibtooda ay ka qeyb galeen wax dagaal ah waxaase uu tilmaamay inay dhaq dhaqaaqyada Al-Shabab la socdaan.
Sidoo kale afhayeenka Maraykanka u hadlay waxaa uu ka gaabsaday in ciidamadooda ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada ka dhan ah Al-Shabab ee Kenya la doonayo in lagu qabsado magaalada Kismaayo.
Maraykanka ayaa waxaa biyaha Soomaaliya ka jooga maraakiib dagaal oo uu sheego inay kula socdaan dhaq dhaqaaqyada Al-Shabab iyo Al-Qacida.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|