Somali News
    Hees  

Madaxwayne Siilaanyo oo Magacaabay Xilal Cusub oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Madaxwaynaha iyo Badhasaabka Gabiley.

Hargeysa Sabti 1 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxwayne Siilaanyo oo Magacaabay Xilal Cusub oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Madaxwaynaha iyo Badhasaabka Gabiley.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal kala duwan ugu magacaabay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta JSL, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Afhayeenka Madaxtooyada JSL, iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee madaxa banaan. 

Madaxweynuhu:- 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, 
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka, 
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan, 
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo, 
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilka loo magacaabay, 
Wuxuu go’aansaday. 

1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL. 
2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL. 

3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. 

4.In Mudane, Daa’uud Khayre Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda. 

5. In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

6. In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka Somaliland. 


Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388 
mustaqbal7@hotmail.com

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)