|
Gudiga Doorashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Sharuudaha Musharixiinta Laga Doonayo
Mogadishu Sabti 1 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gudiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta soo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Sharuudahan ayuu gudiga doorashadu kasoo saaray kulan ay manta magaalada Muqdisho ku yeesheen waxaana sharuuduhu ay kala yihiin sidan:-
- Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya muwaadin kasta oo muslin ah
- Waa in da’diisu aysan ka yareyn 40 sano.
- Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaasi.
- In dhimirkiisu dhanyahay.
- Inuusan jirin Dambi Culus ay Maxkamadi ku xukuntay.
- Waa inuu bixiyaa lacag dhan 10,000$ oo diiwaan gelin ah.
- Waa inuu soo gudbiyaa Taariikh nololeedkiisa.
- Laba sawir oo kalar ah iyo codsi musharaxnimo oo laba nuqul ah.
|
Afhayeenka gudiga doorashooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo shirjaraa’id ugu qabtay saxaafadda magaalada Muqdisho islamarkaana shaaciyey sharuudahan ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan shuruudo kale balse uu dhowaan gudigu dib u shaacin doono.
Shalay ayey aheyd markii ay gudiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shaaciyeen xiliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo xiliga ay Musharixiintu hor tagayaan Mudanayaasha Baarlamaanka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|