Somali News
    Hees  

Raisalwasaarahii hore Farmaajo oo ka digay in hantida qaranka loo isticmaalo ola’olaha doorashada

Mogadishu Sabti 1 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Raisalwasaarahii hore Farmaajo oo ka digay in hantida qaranka loo isticmaalo ola’olaha doorashada

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka mid ah Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya,oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.

“Baarlamaanka Soomaaliya iyo gudoomiyihiisa ayaa maanta ah hogaamiyayaasha sharciga ah ee dalka loo soo doortay, waxaanan ka codsanayaa inay dhisaan gudi ku meel gaar ah oo lamid ah kan doorashada, kaasoo ilaaliya hantida qaranka, inta la helayo xukuumad lasoo doortay oo dalka maamusha”ayuu yiri Farmaajo.

Mr: Farmaajo ayaa sheegay inay soo gaareen warar sheegaya in qaar kamid ah madaxda sare ee dalka ee wakhtigoodu dhammaaday ay u isticmaalayaan hantida qaranka Ololahooda doorashada,gaar ahaanna lacagta kasoo baxda dekeda iyo airportka.

Raisalwasaarahii hore ayaa dhanka kalana rajo ka muujiyay inuu ku guulaysan doono doorashada soo socota, isagoo ku tilmaamay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay yeelatay mid tayo leh oo xubnaha soo galay ay intooda badan yihiin dad aqoonyahano ah.

Waxaana uu sidoo kale ugu hambalyeeyay gudoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaantan la doortay, isagoo sheegay in qaabkii ay doorashadaasi u dhacday ay muujinayso in Soomaaliya ay haatan u gudubtay marxaladii ugu wanaagsanayd oo hogaamiyaasha dalka lagu soo xulanayo aqoon iyo karti.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)