Somali News
    Hees  

Wariyaasha Qaaraddan Afrika oo isku raacay inay Tabiyaan Dhacdooyinka Soomaalida muhiimada ugu fadhiya

Mogadishu Sabti 1 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wariyaasha Qaaraddan Afrika oo isku raacay inay Tabiyaan Dhacdooyinka Soomaalida muhiimada ugu fadhiya

Wariyaasha ku sugan Qaarada Afrika ayaa isku raacay inay tabiyaan dhacdooyinka Soomaaliya guusha u ah oo ay gaaraan ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM iyo dadaallada dib loogu dhisayo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah Qodobada go,aanada lagu gaaray ee ka soo baxay shir looga hadlayay sharciyada saxaafadda iyo warbaahintu ay ka qaybqadato howlagallada nabadda lagu sugayo oo ay ka qaybgaleen wariyeyaal iyo saraakiil ka socda AMISOM.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyay in la dhiso awoodda suxufiyiinta Soomaalida, lana sameeyo xiriir dhexmara suxufiyiinta Soomaaliyeed. Iyadoo la ogyahay in sannadkan oo keliya lagu dilay gudaha Soomaaliya sagaal wariye, sidoo kalena lagu dhaawacay 16 wariye oo kale.

"Al-shabaab aad ayay u laciiftay. AMISOM waxay tababarro siisaa ciidamada dowladda si ay u xoojiso. Tababarka ciidamada Soomaaliya la siinayana waa mid loogu talogalay in sare loogu qaado awoodooda," ayuu yiri Basile Gateretse oo ka socday ciidamada AMISOM.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM horayna ugu dhawaaqday inay ku biirtay shabakadda Al-Qaacida ayaa weli ka talisa inta badan Soomaaliya.

Basile Gateretse ayaa sheegay in AMISOM ay howlo aan ahayn kuwa milateriga ka waddo Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin: dhismaha waddooyinka, iskuullo iyo xarunta baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay qabtaan howlo adeegga shacabka ah oo ay ka mid yihiin: xarumo shacabka lagu tababaro, qodista ceelal biyoodyo iyo kuwo kale.

Soomaaliya oo dagaallo ay ka socdeen 20-sano ayaa waxaa hadda ka muuqada isbedel weyn, ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda oo horseed u ah howgalka AMISOM oo howgalladooda ay rajo weyn geliyaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.

Khaalid Maxamed oo ka mid ahaa suxufiyiintii Soomaaliyeed ee kulanka ka qaybgalay ayaa sheegay in AMISOM ay gacan ka geysatay dhismaha saddex Isbitaal oo ku yaalla Muqdisho, ayna sidoo kale ilaalo ammaanka saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)