Somali News
    Hees  

CRD oo qalab muusik siisay kooxda fannaaniinta Horseed

Mogadishu Sabti 1 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hay’adda cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee magaceeda loo soo gaabiyo CRD ayaa maanta qalab muusik guddoonsiisay kooxda fannaaniinta Horseed ee ciidamada xoogga dalka Somaaliya.

Xafladda guddoonsiinta qalabka ayaa waxay ka dhacday xarunta taliska ciidamada milateriga ee Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka socday CRD.

Qalabka la guddoonsiiyay kooxda Horseed waxaa ka mid ah kabanno, organno, boongeeyaal, miksarro, cod-baahiyeyaal iyo kuwa kale.

Madaxa hay’adda CRD, Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay inay ka go’an tahay taageeridda fannaaniinta Soomaaliyeed si loo kobciyo fanka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ka hadlay xafladda ayaa u mahadceliyay hay’adda CRD.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)