|
Khilaafkii ka taagnaa hoggaamiye kooxeedyada Baarlamaanka cusub lagu daray oo cirka isku sii shareeraya
Mogadishu Sabti 1 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Khilaafkii ka taagnaa hoggaamiye kooxeedyada Baarlamaanka cusub lagu daray oo cirka isku sii shareeraya
Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka ka taagan hoggaamiye kooxeedyada lagu daray Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho ka socda qorshe arrintaasi lagu xalinayo oo u dhaxeeya Waxgaradka beelaha ay ka soo jeedaan hoggaamiye kooxeedyada oo ay markoodii hore u soo gudbiyeen guddiga xulista Baarlamaanka.
Arrinta ugu weyn ee keentay khilaafka sii baahaya ayay sheegayaan wararku inuu ka taagan yahay hoggaamiye kooxeedyada Baarlamaanka lagu soo daray oo boosaskoodii lagu bedelay Xildhibaano kale, waxaana iminka odayaasha dhaqanka ee horay u soo gudbiyay hoggaamiye kooxeedyada oo guddiga xulista Baarlamaanka dib u celiyay ay keeneen Xildhibaano kale, waxaana haatan kaararka aqoonsiga heysta hoggaamiye kooxeedyadii la siiyay kaararka aqoonsiga iyo kuwii kale ee odayaashu ku bedeleen.
Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa magaalada ka socday shirar iyo kulamo arrintaasi lagu xalinayo, hase yeeshee waxay xaaladu u muuqataa mid faraha ka sii baxeysa kaddib markii hoggaamiye kooxeedyada ku adkeysteen inay yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo maxkamadda dalkana ay ku weysay wax dembi ah.
Dhinaca kale ilaa 17-Xildhibaan oo odayaasha dhaqanka u soo gudbiyeen guddiga xulista Baarlamaanka kaddib markii dib loo celiyay xubnaha ay horay u soo gudbiyeen oo lagu eedeeyay inay dalka dembiyo ka galeen ayaa iyana ku doodaya inay yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka.
Madax ka tirsan Dowladda KMG ah, Ergeyga QM ee Soomaaliya Ambassador Mahiga, madax ka tirsan wadamada caalamka iyo xubno kale ayaa soo dhex galay, waxaana lagu wadaa in dhowaan si rasmi ah loo dhameeyo murankaasi ka dhashay xubnaha dagaal oogayaasha ah ee Baarlamaanka lagu daray.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|